shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra'iisul Wasaare Abdiweli oo kulamo la qaatay EU iyo Jaamicadda Carabta

 

(Nairobi, December 07,  2011 Ceegaag Online)

Kulankii hore ayuu Ra段isul Wasaare Abdiweli la qaatay diplomaasiyiinta Midowga Yurub oo uu kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sidii Midowga Yurub uu door saliim ah uga qaadan lahaa barnaamijka dhaqangelinta Roadmap ka. Ra段isul Wasaaraha ayaa sheegay in horey dhinacyo badan ah laga sameeyey dhaqangelinta Roadmap ka loona baahanyahay in la sii dar-dargeliyo si waddanka looga saaro marxaladda adag, loonga gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.

Ra段isul Wasaare Abdiweli ayaa sheegay in Dastuurka iyo dib-u-habeynta baarlamaanka ay yihiin muhiim si looga gudbo marxaladda kala guurka ah oo uu waddanku yeesho dowlad rasmi ah. Ra段isul Wasaarahu waxuu sheegay in Midowga Yurub looga baahanyahay inay kaalmo dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ku soo biiriyaan xal u helida dhibaatooyinka heysta shacabka Soomaaliyeed.

Midowga Yurub diplomaasiyiintii ka socotay ayaa ku ammaanay Ra段isul Wasaare Abdiweli dadaalkiisa joogta ah iyo sida ay uga go誕ntahay dhaqangelinta Roadmap ka waxeyna sheegeen in Midowga Yurub uu diyaar u yahay sidii looga shaqeyn lahaa in barnaamijka Roadmap ka uu dhaqangalo. 

Ra段isul Wasaare Abdiweli ayaa kulan kale la qaatay Jaamicadda Carabta Safiiradooda kalana hadlay arrimaha Roadmap ka, gar-gaarka bani誕adanimo iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka Carabta iyo Soomaaliya. Ra段isul Wasaare Abdiweli ayaa warbixin ka siiyey safarkii uu dhowaan ku soo kala bixiyey Qatar iyo Kuwait. Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka codsaday Jaamicadda Carabta inay sii labo laabaan dadaalka gar-gaarka bani誕adanimo isagoo ku ammaanay doorka dowladaha carabta ay ka geysteen u gar-gaarida shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna ku dhiiri geliyey inay dib-u-dhiska Soomaaliya ka qeybqaataan.

Safiirada Jaamicadda Carabta ayaa aad u soo dhoweeyey kulanka ay la qaateen Ra段isul Wasaare Abdiweli kuna ammaaneen doorka fiican ee uu ka qaatay dib-u-soo celinta amniga iyo xiriirka maamulada dalka iyo Dowladda Dhexe.

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia

& Spokesperson of the Government

Tel: +252615479911 or +252699998854

E-mail: ayarisow@opm.gov.so

E-mail: engabdirahman@gmail.com

webmaster@ceegaag.com