shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qayb kamida Suuqa Boosooso oo dab qabsaday

(Boosaaso.  Dec 03, 2011  Ceegaag Online)

 Waxaa xalay abaarihii 10:30 Fiidnimo dab ka kacay maqaaxi qabsaday dukaamo lagu iibinayay alaab bagaash ah. Dabkaa ayaa isla wakhti gaaban ku fiday qaybta waqooyi ee suuqa.

Mar aanu la xiriirnay dad iyagu ka ganacsada Suuqa oo diiday in aanu magacooda faafino ayaa noo sheegay in dhibaatada ugu badan ay gaadhay wadhatada iyo milkiilayaasha dhismayaal dhawr ah. Dabkaasna ku tilmaamay mid lagu dhaxal wareejinayay ganacsatada yaryar iyagoo farta ku fiiqay inay ka danbeeyaan qaar ka mida isla ganacsatada.

Ciidmada Gurmadka ee Dabdamiska ayaa damiyay dabkanoo aan abid ka dhicin magaalada Boosaaso. Halka dawlad gobeleedkuna u magacaabeen gudi qiimaysa qasaaraha dabkaasi gaystay iyaga oo meesha ka saaray in ay sameenayaan wax danbi baadhis ah.

Ganacsigii magaalada Boosaaso ayaa isla duhurnimadii maantaba dib ubilowday iyada oo badanaa la badbaadiyay hantidii taalay qaybta gubatay ee Suuqa.

Daawo Sawirada

Xuquuqda sawirada waxaa iska leh:Horsedmedia

 

webmaster@ceegaag.com