shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ogaysiis: Shirka Taleex iyo dhiiro galinta iyo waliba maalaynta suxufiyiinta saxaafada Soomaalida.

 

(Boston, December 07,  2011 Ceegaag Online)

Saxaafadu waa aas aaska cadaalada bulshada, waa difaaca kaliya ee awooda shaqsi kasta, sidoo kale hadii lagu xadgudbo xuquuqda saxaafada waxaa meesha ka baxa xuquuqdii wariyayaasha sidaa awgeed.

Aan ku bilaabo Ogaysiis aan usoo jeedinayo saxaafada Soomaalida aniga oo tix galinaya duruufaha jira waxaan ku boorinayaa in aad loo ilaaliyo ama laysaga ilaaliyo wararka ay daabacdo Ceegaag Online waayo inta shirka wadatashiga ee beesha Dhulbahante socdo ma’ogolaan doono in lagu xad gudbo xuquuqda wariyayaasha iyo wararka Sababtoo ah.

Taleex waa magaalo qadiimi ah oo wayn, waxaa laga heli karaa dhamaan adeegyada isgaadhsiinta, sidoo kale waxaa diyaara wariyayaal madax banaan oo aad ugu takha susay tabta iyo xeladaha war-tabineed ee Soomaaliya gaar ahaan mandaqada reeraha shiraya degaan, intaa dabadeed.

Ceegaag Online waxay balan qaadasaa inay talaabo sharciya ka qaado amaba ay ku dacweeso dhaqaale fooqal-caqliya cidii ku xad gudubta wararka u gaarka ah si toos ah iyo si dadbanba waayo.

Waxaa shabakadaha wararku badanaa marti u yihiin shirkado shisheeye mana jirto amaba waa miduun dhamaan shabakadaha Soomaalida mid iyadu gaar u leh kaydkeeda wararka, taa soo dhibyareenasa fulinta, ilaalinta iyo waliba meelmarinta xuquuqda saxaafada.

Ugu danbayn Saxaafadu waa aas aaska cadaalada bulshada si taa loo helana waa in loo cadaalad falaa wariyayaasha oo aan wararkooda la xadin si aan loo maal galin wariye kale oo garab taagan oo bilaa camal ah. Saxaafadu waa awooda shaqsigii la awood-daraysto hadii qafkii warka tabin lahaa la hagrado oo meelahaa wararka laga tuugaysto xagay saxaafadi oolasaa?

Si loo ilaaliyo asluubta iyo sharciga saxaafada u hur dhawr boqol oo dollar waad haystaaye ama taageerayaashaada uga qaad, oo maalgali suxufiyad ama suxufi si aad u dhiiro galiso saxaafada dalka guud ahaan gaar ahaana suxufiyiinta raba amaba ku hawlan tabinta wararka shirka Taleex.

Mahadsanidiin

Eng. Xuseen Fiin

Xoghayaha xaga maaliyada ee Ceegaag Online

Boston, USA

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com