shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mu'asasadda Al-Naciim oo deeq gaarsiisay Barakacayaasha ku nool Kaamka  Raydabo ee Magaalada Muqdisho

(Muqdisho, Dec 20,  2011 Ceegaag Online)

Mu'asasadda Al-Naciim oo ka mid ah hay'adaha samofalka ah ee ka shaqeeya gudaha dalka Soomaaliya ayaa u qaybiyay 600 qoys oo ku nool kaamka Raydabo oo ku yaalla magaalada Muqdisho gargaar raashin ah. Gargaarkan oo isugu jiray: masago, bur, sokor iyo saliid ayaa waxaa qoys walba la siiyay: 50-kg oo masago ah, 25-kg oo bur ah, laba caag oo saliid ah iyo 10-kg oo sokor ah.
 

 "Deeqdan waxaa iska kaashaday mu'asasadda Al-naciim iyo hay'adda WAMY," ayuu yiri madaxa Al-Naciim, Yuusuf Xaaji Xuseen. Wuxuu intaas ku daray in dadka ay gargaarka u qaybiyeen ay ahaayeen kuwo dhibaateysan. "Barakacayaasha aan gargaarka u qaybinnay waxay ahaayeen kuwo aan helin wax gargaar ah muddooyinka, aad ayayna ugu farxeen gargaarkii aan u qaybinnay," ayuu mar kale yiri madaxa mu'asasadda Al-Naciim.
 
Haweeney 90-jir ah oo ka mid ahayd qoysaskii gargaarka loo qaybiyay ayaa tiri: "Gargaarkan waxaa nala soo gaarsiisay xilli aan baahi weyn u qabnay, waanan uga mahadcelinaynaa hay'adaha iska kaashaday inay  nasoo gaarsiiyaan deeqdan." Mu'asasadda Al-Naciim ayaa muddo ka shaqeynaysay howlaha gargaarka bani'aadamnimo, waxayna gargaarro hore ka qaybisay gobollada dalka qaarkood iyo kaamamka ku yaalla magaalada Muqdisho ee ay ku jiraanas barakacayaasha abaaraha.
 
Gargaarradii ay horay u bixisay hay'adda ayaa waxay isugu jireen raashin, dawo, teendhooyin, biyo, dhar iyo lacag caddaan ah, kuwaasoo qaarkood ay iyada bixisay halka kuwo kalena ay la kaashatay hay'ado caalami ah. Ugu dambeyn, madaxa Al-naciim, Yuusuf Xaaji ayaa sheegay inay dhawaan ka qaybin doonaan kaamamka ku yaalla kaamamka Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood gargaarro kala duwan.

Daawo Sawirada  Cunto Qaybinta

Cabdinaasir Yuusuf Macalin

cnaasir114@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

webmaster@ceegaag.com