Kadib markii ay mudo kor u dhaaftay sanado ay xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood ay ku xidhnaayeen maxaabiis, aan wax maxkamad ah la soo hor istaajin, tan iyo intii loo dhaadhiciyey xabsiga dhexe ee Laascaanood ayay bilaabeen in ay guud ahaanba maxaabiistaasi ka soomaan cunadii.


Hadaba
taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood ayaa warbaahinta u xaqiijiyey waxa ka jira in guud ahaanba ay maxaabiista xabsiga dhexe ay ka soomeen cuntadii waxa uuna yidhi."Way jirta arintan laakin waxaan ka waaniyey in ay maxaabiistu cuntadooda cunaan anoo la kaashanaya waalidiintooda"


Taliyaha
ayaa sidoo kale sheegay in uu la kaashanayo masuuliyiinta maamulka Somaliland sidii maxaabiistan danbiyadooda loo baadhi lahaa isla markaana kiisaskooda loo soo afjari lahaa.


Xabsiga dhexe ee
Laascanod ayaa waxaa haatan ku jira maxaabiis aad u badan kuwaasi oo xaaladooda nololeed ay wanaagsantahay, balse ka cabanaya dhanka sharciga iyo maamulka, kuwaasi oo sheegay in ay sharci daro ku wada xidhanyihiin intooda badani, waana markii u horeysey ee maxaabiis ku xidhan xabsiga dhexe ee Laascaanood ay sidan oo kale u sameeyaan cunto cuni waa ama Iska afqabasho cuno.
 

Xuquuqda Cajalada waxaa iska leh Somalisat.tv


 
Maxamed Cismaan C/nuur
Laascaanood