Kulan ay iskugu yimaadeen inta badan wariyayaasha ka hawl gala gudaha gobolka Sool ayay kaga hadleen cabudhinta saxaafadda madaxa banaan ee dalka Soomaaliya gaar ahaan dhulka ay gacanta ku hayso maamul goboleedka Puntland.
 
Kulankan ayaa looga gol lahaa codsi madaxda dowlad goboleedka Puntland ku wajahan oo la xidhiidhi sidii loo sii dayn lahaa TV-ga Somali Channel oo dhawaantan xanibaad laga saaray goboladda Puntland, hayeeshee waxaa jirtay in hore loo wada xidhay 2-da TV ee Universal iyo Somali Channel balse Universal ay xoriyadiisii ama shaqadiisii dib loogu fasaxay waxa ayna wariyayaashani wax laga xumaado ku tilmaameen cadaalad daradda ka jirta Puntland.
 
Waxaa kale oo ay wariyayaashani codsanayaan in maamulka Puntland iyo maamulka Somaliland ay joojiyaan cabudhinta iyo xad gudibka lagula koco warbaahinta ka hawl gasha goboladda ay ka arimiyaan.
 
Ma aha markii u horeysey ee ay kulan si wada jir ah u qabtaan warbaahinta ka hawl gasha gudaha gobolka Sool, kulan saaka dhacay ayaa si wayn loogu canbaareeyay  Maamulka Puntland,


 
Maxamed Cismaan C/nuur
Laascaanood