shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay’adda SCERDO oo si isleeg mucaawimo gaadhsiisay 1000 qoys oo ah  dadkii abaaruhu ku haleeleen degmooyinka Baladxaawo, Luuq, Dooloow iyo Geedwayne ee gobolka GEDO

(Gobolka Gedo, Dec 22,  2011 Ceegaag Online)

 

Waxaa doddobaakii hore raashin iyo saliid isugu jira u qaybiyay hay’adda SCERDO ee fadhigeedu yahay dalka CANADA. Hay’adda ayaa gaadhsiisay mucaawimadaas degmooyinka Baladxaawo, Luuq, Dooloow iyo Geedwayne. Guddoomiyaha hay’adda SCERDO Bashir Xaaji Cali (Jamaal) oo isagu siday mucaawimadaas ayaa qaybinta raashinkaas goobjoog ka ahaa islamarkaana ugu baaqay haya’adaha caalamiga ah, DFK ee Somaliya iyo UNta in ay gargaarka loogu deeqay Soomaaliya ay gaadhsiiyaan dhammaan gobollada dalka oo dhan gaar ahaan kuwa ay abaarugu saameeyeen, isla markaana aysan caawimada ku koobin Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay jahliyadda dibadda ee ka soo jeeda gobolka GEDO in ay dadkooda ka taageeraan dhinacyada horumarinta arrimaha bulshada sida iskuullada, caafimaadka, biyaha iyo  nabadgalyo islamarkaana u soo jeestaan sidii ay gobolka u maalgalin lahaayeen.

Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay dhammaan masuuliyiinta gobolka GEDO sidii diirranayd ee ay ugu soo dhaweeyeen gobolka GEDO, waxa uuna u ballanqaaday in aysan ka hagrandoonin wixii horumar iyo gargaar ah ee ay u helikaraan gobolkan. Bashir Xaaji cali ayaa si gaar ah ugu mahaceliyay shirkadda SOMKAN TRANSPORTATION oo ah shirkaddii ka caawisay SCERDO fulinta mashruucan.

Qaybinta mucaawinadaa oo vedio ahna dhawaan ha udayma la'aanina.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com