shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay'adda HIRDA oo Magaalada Muqdisho gargaar rashin ah ugu qaybisay Qoysas Barakacayaal ah

(Muqdisho, Dec 29,  2011 Ceegaag Online)

Hay'adda samofalka HIRDA (Himilo Relief & Development Association), ayaa deeq raashin ah ugu qaybisay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho qoysas barakacyaaal ah.Qoysaska deeqda loo qaybiyay ayaa waxay tiradoodu ahayd in ka badan 300, kuwaasoo oo ku jiray kaam ku yaalla degmada Hodan, waxaana qoys walba uu helay: 50-kg oo bariis ah, 50-kg oo bur iyo saddex liitar oo saliid ah
 

Gargaarkan ayaa waxaa ku deeqday hay'adda caalamiga ah ee ETWA-Netherlands, waxaana deeqdan loo wakiishay inay gaarsiiso qoysaska loogu talogalay hay'dda HIRDA oo ka shaqeysa Soomaaliya oo dhan. "Waxaan u mahadcelinaynaa hay'adda ETWA-Netherlands oo soo dhiibtay deeqdan, innaguna waxaan gaarsiinnay dadkii u baahnaa iyo xilligii loo baahnaa," ayuu yiri madaxa HIRDA ee Muqdisho, C/daahir Aadan Diiriye.

Haweeney ka mid ah qoysaskii deeqda ka faa'iideystay oo da'deedu ahayd 70-sano jir ayaa waxay sheegtay in gargaarkan lasoo gaarsiiyay xilli ay baahi u qabeen, iyadoo u mahadcelisay hay'ddii soo dhiibtay iyo middii u qaybisay labadaba.  "Ma ahan markii ugu horreysay oo deeq noocan oo kale ah ay hay'addu  qaybiso," ayuu hadalkiisa ku daray isagoo sheegay inay deeqo noocan oo  kale ah ay horay uga qaybiyeen gobollada Soomaaliya qaarkood sida: Gedo, Bay, Galguduud iyo Banaadir.
 
Hay'adda samofalka HIRDA ayaa ka shaqeysa waxbarshada, caafimaadka, gargaarka bani'aadamnimo iyo sidii ay bulshada Soomaaliyeed uga horumarin lahayd dhinac walba.
 

Cabdinaasir Yuusuf Macalin  cnaasir114@hotmail.com

Caasimada Muqdisho
 

webmaster@ceegaag.com