shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay'adda HIRDA oo Magaalada Muqdisho ku qabatay dood ku saabsan habka waxbarashada Soomaaliya

 

(Muqdisho, December 09,  2011 Ceegaag Online)

Hay'adda Himilo Relief and Develompment Association (HIRDA) ayaa ku qabtay Muqdisho dood ku saabsan habka waxbarashada Soomaaliya, taasoo ay kasoo qaybgaleen dallada waxbarashada, jaamacadaha, ururrada  bulshada, haya'daha waxbarashada, aqoonyahanno iyo mas'uuliyiin ka socday wasaaradda waxbarashada DKMG ah.

Dooddan oo socotay laba maalmood 6-dii illaa 7-dii Diseembar, ayaa waxaa looga hadlay habka ugu habboon ee waxbarashada Soomaaliya iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay, iyadoo ay barnaamijkaas soo  bandhigeen dad khuburo ah oo ay ka mid yihiin: Prof. Maxamed Cilmi Tooxoow, Dr Nuur Sheekh Maxamuud iyo Prof. Xuseen Cabdi Aadan.
 
Aqoonyahannadan ayaa waxay si faahfaahsan uga hadleen sooyaalka  waxbarashada Soomaaliya laga soo billaabo 1884-tii illaa 1991-kii,  iyadoo laga dhawaajiyay in heerarka waxbarashada Soomaaliya ay soo martay saddex qaybood oo kala ah: xilligii gumeysiga, xilligii dowladdii rayidka iyo xilligii dowladdii Kacaanka.

"Hay'adda HIRDA 12-sano ayay ka shaqeynaysay howlaha waxbarashada Soomaaliya, waxaana ka go'an inay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushosidii ay qayb lixaad leh uga qaadan lahayd tayeynta waxbarashada dalka," ayuu yiri Cabdi-daahir Aadan Diiriye oo ah wakiilka hay'adda HIRDA ee Muqdisho.

Mas'uuliyiinta doodda ka hadlay waxay si aad ah uga hadleen heerarka kala duwan ee ay soo martay waxbarashada Soomaaliya, iyagoo sheegay in ay jireen caqabado badan oo ku imaanayay nidaamka waxbarashada dalka, iyagoo muujiyay in xilligan ay muuqdaan in laga gudbayo caqabadahaas.
 

"Xilligan waxaa soo badanaya haweenka waxbarta, balse markii hore aad ayay u yaraayeen, waxaana dhici jirtay in marka gabadhu ay dhammeyso dugsiga sare inay guursan jirtay ama nin lagu dari jiray, balse maanta waxaa muuqda haween badan oo jaamacadaha iyo macaahidda dalka wax ka barta, taasna waxay qayb ka tahay isbedelka waxbarashada dalka ku
yimid," ayay tiri Dr Nuurto Sheekh oo iyaduna ka hadashay doodda.

Dr Nuurto waxay ka mid ahayd macallimiintii duruusta ka jeedinayay doodda ku saabsanayd waxbarashada dalka, iyadoo ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee waxbartay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay hay'adda HIRDA barnaamij noocan oo kale ah ku qabato dalka, balse waxay horay u qabtay dood noocan oo kale ah, taasoo looga hadlay tayeynta waxbarasrhada dalka Soomaaliya. Iyadoo hay'adda HIRDA ay wax ka qabataa caafimaadka iyo horumarinta bulshada.


 

C/naasir Yuusuf Macalin
Muqdisha Somalia

webmaster@ceegaag.com