Gudoomiyaha Gudiga Qaban Qaabada Shirka Khaatumo Labo Xasan  Cali Awyuusuf oo ka warbixiyey  Qaban Qaabada Shirka iyo Xiliga Kama danbaysta ah ee Ergooyinka Shirku ku soo xaadirayan degmada Taleex ayaa waxa uu sheegay in qaban qaabada shirku ay haatan marayso meel wanaagsan isla markaana waxa uu ka warbixiyey Hawlaha ka Gudi ahaan ay ka wadaan degmada Taleex.

 

Waxa uuna sheegay in ay haatan wadaan dhismaha Qolalkii Kulamada Shirka oo ka Kooba  labo qol mid kamid ahi uu yahay qol Shirka iyo qolka Cuntada, waxaa Kale oo gudooniyihi sheegay in ay Haatan diyaar yihiin ku dhawaad 50 Guri iyo Agabkoood oo loogu Talo Galay Ergooyinka Ka soo Qayb Galaya Shirka, Garoonkii Diyaaradaha oo Dhismihiisu socdo, Isbitalkii Caafimaadka oo Dib u Habayn Ku socoto waxaa kale oo Gudoomiyihi Xusay in Xiliga Kama Danbaysta ah ee Ergooyinka La sugayaa in ay Taleex ku soo galaan Ay tahay 15-12-201.

 

Sidoo kale waxa uu gudoomiyihi ka hadlay dadka qaar oo iyagu dhanka xun ka fakara kuwaasi oo dacaayado suuqa geliyey ku waasi oo sheegay in shirku uu dib u dhacay waxa uuna sheegay in aanay jirin wax dib u dhac ah oo Shirka Looga Baqayo uuna Qabsoomayo Xiligii Loogu Talo Galay Hadii rabi idmo .

Dhinaca kale Afhayeenka gudiga Qaban qaabada ee degmada Taleex C/fataax Ismaan Dhalac ayaa ka hadlay Hadalo Ay warbaahinta Qaarkeed Qoraan  isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay warbaahina qaar oo qora hadalo aan munaasib ku ahayn Shirka Khaatumo.

Isku soo wada duuboo Shirkan ay qabteen Labadan masuul ayaa ku soo beegmaya xili degm ada Taleex laga dareemayo Diyaar garow Xoogan iyadoo Warbaahinta caalimiga ahna ay Xafiisyo ka furanayaan Taleex .

   http://www.youtube.com/watch?v=R3faocVVP8A

Maxamed Cismaan C/Nuur
ceegaag Online
Taleex