shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Fanaanka Axmed Xuseen Cali (Axmed Ceegaag) oo fanka Soomaaliyeed waji cusub u furay.

(Johannesburg, December 16,  2011 Ceegaag Online)

Fanaanka Axmed Ceegaag oo ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Wali baaqiga kusii ah Qaarada Afrika Ayaa Fanka Soomaaliyeed ee qarniga 21aad  ufuray Waji Cusub. Fanaankan oo ku nool Magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika muddo ka badan 20 sannadoodna kusoo dhex jiray Fanka Soomaaliya  ayaa saxaafada u sheegay inuu Waji cusub ufuridoono Fanka Soomaaliyeed Qaasatan Fanka Casriga ah.

Axmed Ceegaag oo saxaafada kula hadlay Magaalada Johannesburg ayaa yidhi "Fanka Soomaaliya xan badan ayuu yeeshay Walibana Qasaarooyin ayaa soo gaadhay Waxaa ka mid ah in fanaan uu Hees Islaameed uu qaado waliba lagu dacweeyo Xabsi uu ku mutaysto sidoo kalena waxaa Dhacda In abwaano sameeya Heesaha iyaga oo ay Joogaan Hadana aan loo Weecan xagooda oo Koobiga uun la hiigsado taasi maanta wixii ka dambeeya xal baa loo helayaa" ayuu Yiri Fanaanka Weyn ee Axmed Ceegaag.

Axmed Xuseen Cali (Axmed Ceegaag) Waa Fanaan aad u jecel Fanka Soomaaliyeed in uu horumar gaadho walibana qadariya Fanaan walba uu la Kulmo ama booqda Dalkaas Koonfur Afrika oo uu Axmed Ceegaag daganyahay.

Fanaanka weyn ee Axmed Ceegaag mar wax laga Weydiiyay Horumarka uu Balan qaaday wax yaabaha ka mid ah ayuu  yidhi “Waxaan Caawin doonaa fanaan walba oo diyaar u ah Fanka Soomaaliya in uu sare u qaado waliba aan Sharafta isaga qaadeen Heesaha Koobiga ah sidoo kale abwaanada iyo fanaaniinta kale ee u baahan in ay is dhaafsadaan erayo si fanka loo Horumariyo.

Waxaa xusid mudan in Fanaanka weyn ee Axmed Ceegaag uu kusoo dhaweeyay Dalka South Africa Fanaaniinta kala ah, Saado Cali Warsame, Salaad Darbi, Ka’naan Warsame, Lafoole, Axmed C/kariin (biif) iyo fanaaniin badan oo halkan lagu soo koobikarin.

Waa Fanaankii ugu horeeyay oo si iskii ah ugu istaaga Fanka Soomaaliyeed dulduleelada uu yeeshay 21-kii sanno ee na dhaaftay.

Halkan hoose ka Daawo HEESTA CEEGAAG ee uu qaadey Axmed Ceegaag

 

 

webmaster@ceegaag.com