shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Fadliga Salaadda Jamaacada

(Boston, Dec 21,  2011 Ceegaag Online)

Fadliga ay leedahay in Salaadda raggu ay jamaaco ku tukudaan waa mid aad u wayn lugumana soo koobi karo hal ama laba qoraal. waxaanse isku dayayaa inaan is xassuusinno in kooban oo ka mid ah waayoo Allah ayaa rasuulkiisa amray inuu mu'miniinta xasuusiyo kheirka sababtoo ah waanada iyo xasuusintu waxay afnacdaa mu'miniinta.

Ajjarka oo labalaabo:

Rasuulku wuxuu yiri sallallahu calayhi wasallama.

"Salaadda qofka jamaaca ku tukaday waxay ay ka fadli badantahay midka kaligiis tukada 27 darajo (labaatan iyo toddoba). Waxaa wariyay Bukhari iyo Muslim.

الخطيئات وحط الدرجات رفع

Darajooyinka oo kor loo qaado iyo gafafka oo la dhaafo.

Rasuulku wuxuu yiri sallallahu calayhi wasallama.

"Salaadda ninka jamaaco ku tukada waxay ka fadli badantahay salaadda midka gurigiisa ama suuqiisa ku tukado 25 (labaatan iyo shan laalaab). Waayoo markuu soo weysa qaatto oo uu waysa qaadka wanaajiyo oo ka dibna masaajidka usoo boxo, wax aan salaad ahaynna uusan u soconin, tallaaba kasta oo uu tallaabsado waxaa looga rida danbi, darajana waa loogu koryeelaa. Marka uu tukado oo wayso qab ku suganyahay malaa'iktu way u ducaynaysaa oo waxay leeyihiin Allow u naxariiso Allow u danbi dhaaf. Inta uu salaad sugayana wuxuu ku jiraa salaad kale" Waxaa wariyay Bukhari iyo Muslim.

الهدى سنن من الجماعة صلاة

Salaadda jamaacada waa waddooyinka hanuunka.

Cabdullahi Ibnu Mascuud wuxuu yiri Allah haka raalli noqdee.

" Qofkii ay farax galinayso inuu Allah la kulmo barri asagoo muslim ah ha ku dadaalo salaadahaan (waa salaadaha faradka ah), meesha loogu addimo (waa masaajidda). Waayoo Allah wuxuu u sharciyeeyay nabigiinna (Nabi Muxammed sallallahu calayhi wasallama) waddooyinka hanuunka, kuwanina waa waddooyinkii hanuunka (salaadaha). Haddaad ku tukutaan guryihiinna sida uu midkan habsan ka ah ugu tukado gurigiisa waxaad ka tagaysaan dariiqii Nabaiga. Haddaad dariiqii nabiga ka tagtaanna waad dhumaysaan. Waxaan arki jiray ayadoo uusan salaadda ka maqnaanin qof munaafiq ah mooyee. Waxaa dhici jirtay in ninka la keeno (jamaacada) ayadoo garbaha la hayyo (xanuun dartiis) ilaa safka la dhex istaajiyo" waxaa wariyay Imaamu Muslim.

walaalayaal ma la yaabteen anakuna inaan ku cudurdaaranno masaajidkaa igu fog, iyo saaka waa qabow, iyo xoogay madaxaa la iga hayyaa iwm. Allahul mustacaan..

 

بخير ومات بخير عاش الجماعة على افَظ ح من

Qofka Salaadda jamaacada joogteeya kheyr buu ku noolaadaa kheirna wuu ku dhintaa.

Rasuulku wuxuu yiri sallallahu calayhi wasallama.

" Xalay waxaa xagga Rabbigay iiga yimid mid yimaada ( waa malak malaa'ikta ka mid ah) wuxuuna yiri: Moxammadow ma taqaannaa waxa ay golaha sare ee malaa'igtu ka doodayaan? waxaan iri : Haa, waa danbi dhaafyada iyo darajooyinka, iyo lugaha oo loo qaado jamaacooyinka, weysada oo lugu xeel dheeraado xilliga kulaylka iyo qabaowga, salaadda oo la sugo (masaajidka oo salaad lugu sugo markaad mid tukatto). Qofkii ilaaliya (waa salaadaha jamaacada lugu tukado) kheyr buu ku noolaadaa, kheyrna waa ku dhintaa, danbiyadiisana wuxuu ka noqdaa maalintii ay hooyadiis dhashay oo kale."

Waxaa wariyay Imaamu Axmed, Tirmidi, sheekh Albanina wuu saxiixiyay.

الجماعة ترك من الترهيب

Cabsida ay leedahay Jamaacada oo laga tago.

Rasuulku wuxuu yiri sallallahu calayhi wasallama.

"Salaadda ugu culayska badan munaafiqiinta waa salaadda cishaha iyo salaadda subax, haddeyse ogaan lahaayeen ajarka ku ira way imaanlahaayeen haba soo garguurteene. Waxaan ku hamiyay inaan amro in salaadda la aqimo, oon ka dibna nin iraahdo tujji dadka, ka dibna aan boxo anoo rag xaabo wato ila socdaan oon aado qolo aanan salaadda imaanin oon kusoo gubo guryohooda"

Waxaa Wariyay Bukhari iyo Muslim.

Walaalayaal ma jeclaan lahayn inaan noqonno dadkuu rasuulku ku hamiyay inuu guryahay ku gubo?

جماعة والفجر العشاء صلاة فضل

Fadliga gaarka ah ee salaadda Cishaha iyo salaadda Subax oo jamaaco lugu tukado ay leeyihiin.

Rasuulku wuxuu yiri sallallahu calayhi wasallama.

"Qofkii Cishaha jamaaca ku tukada wuxuu la midyahay qof habeenka barkiis istaagay (yacni salaatulayl tukaday), qofkii Subaxa jamaaca ku tukadana wuxuu la midyahay qofkii oo dhan istaagay (yacni salaatul layl u taagnaa habeenkoo idil)." Waxaa wariyay Imamu Muslim.

 

Ugu danbayntii walaalyaloow waxaan naftayda iyo naftiinnaba kula dardaarmayaa inaanan fududeysanin salaadda jamaacada. Qof kii awooda oo aysan shaqo meel ku xannibin inuu yimaado salaadaha oo issi dhibo si uu ajarkaas u helo, munaafiqnimadana uga badbaado.

halkan ka fiiri waqtiga salaadaha masaajidka kuna soo talo gal inaadan soo daahin.

 

Waqtiyada salaadaha masjidkeenna la tukado waa sidatan.

SUBAX

DUHUR

CASSAR

MAQRIB

CISHAA'

JIMCADA

6:00AM

12:30PM

2:30PM

4:20PM

6:00PM

1:00PM

 

Waxaad soo wacdaa masjidka si aad u ogaatto xillayada ay salaaduhu soo galaan

telephone ku waa 617-522-1881, ka dibna 1 taabo si aad u dhagaysatto xilliga salaaddu soo gasho. 

Asbuuc kasta mar baa lugu duubaa (la update gareeyaa).

Address ka masaajidku waa

3381 R Jamaica Plain, MA 02120.

Booqo bogga masaajidka

bostonislamicenter.net

Barakallahu Fiikum

Wassalaamu Calaykum W W

Yusuf Abdulle

webmaster@ceegaag.com