shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ergooyin Tiro beel ah oo kusii Qulquliya Taleex

(Taleex, Dec 25,  2011 Ceegaag Online)

Waxaa Magalada Taleex ee Gogosha Wada Tashiga Beelaha SSC ay Taal haatan kusii Qulqulaya Qurba Joogta iyo Ergooyinka ka qayb Galaya Shirka Khaatumo 2 waxaa sidoo kale iyana Gaadhay xaruunta Taleex Qaar kamid ah Ciidamo Beeleedyadda SSC kuwaasi oo qayb ka ah Sugida Amaanka Shirka Khaatumi, waxaa sidoo kale Magaaladda laascaanood Iyana ku Sugan Inta Badan Qurba Joogta deeganadan kuwaasi oo Saacadaha Soo socda kusii food leh Taleex.
 
inta badan qurba joogta soo gaadhaya Deegaanada SSC ayaa intooda badani kasoo degeen Garoomada Diyaaradaha ee magaalooyinka Gaalkacyo,Berbera iyo Hargeysa ,oo intooda badan ay ka soo Dageen Xaruunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo.


Ragii la filayayinay ka soo degaan Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso ayaa intoodii badnayd ay u wareegeen dhanka Magaalada Gaalkacyo kadib Markii laga war helay Shirqool ay u maleegayeen Masuuliyiinta Maamulka Puntland,sida la sheegayna maamulka Puntland ayaan raali ka ahayn Qabsoomida Shirka Wada tashiga Beelaha SSC.


Waxaa sidoo kale dhawaantan garoonka Diyaaradaha ee Magalaada Boosaso kasoo degay Aqoonyahan u dhashay ssc Axmed Maxamed Aaadan (Tabaatiig) kaasi oo Masuuliyiinta Maamulka Puntland ay Warqadihii Sharciga Ka qaadeen. hayeeshe waxaa wararku tibaaxayaan in inta badan Qurba Jooga SSC ay kasoo kala Dagayaan garoomada Galkacyo,Berbera iyo Hargeysa.


Dhinaca Kale waxaa Magaalada laascaanood kasii qulqulaya Warbaahinta Kala gedisan ee ka hawl gala Laascanod kuwaasi oo Shirka wararkiisa Soo tabin doona, warbaahinta Caalamiga ah ee Ceegaag ayaa ugu Horaysa Warbaahinta haatan u Xidh Xidhan sidii ay Uga Soo warami Lahayeen Shirka wada tashiga SSC.


Maxamed Cismaan C.nuur
Laascaanood
 

 

 

webmaster@ceegaag.com