Waxaaa Maanta Gelinkii Hore si diiran loogu soo dhaweeyey Halka ay taal Gogosha wada tashiga beelaha Dhulbahante ee Khaatumo2 ee taala Taleex wafti heer sare ah oo kaasoo kicintintay degmada boocame gobolka sool,waftidan ayaa iskugu jiray ururadda haweenka,kuwa dhalinyaradda iyo ergadda shirka uga qayb geli doonta beelaha daga degmada boocame.

soo dhawayn balaadhan ayaa waftidan loo sameeyey waxa ayna hoolka loogu talo galay in uu ka dhoco shirka khaatumo 2 ay kusoo bandhigeen ciyaaraha hidiyo dhaqanka ah ,buraanburo iyo gabayo kuwaaasi oo dhamaantood ay ku muujinayeen taageeradda ay u hayaan shirka khaatumo-2,sidoo kale waxaa degmada taleex haatan ku sugan dadkii abid ugu tiradda badnaa  ee taleex iskugu yimada marka laga reebo xiligii daraawiishi daganayd oo qarni haatan laga joogo.

waxa taleex si badan ugu soo qulqulaya waftiyo kala gedisan oo kasoo kala kicitimaya daafaha caalamka iyo goboladda ssc, Qaar kamid ah Wufiidii soo gaadhay taleex ayaa mahad naq balaadhan usoo jeediyey shacabka reer taleex sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen waxa ayna ilaahay ka baryeen in shirka wada tashiga beelaha dhulbahante uu ka yeelo mid guul ku dhamaado.

sidoo kale waxaa taleex haatan ku sugan G6-Kuwaasi oo dhawaanahanba Degmada Taleex laga sugayey inay soo gaadhan isla markaana maalintii shalay ahayd si diiran loogu soo dhaweeyey ,isku soo wada duubo shirka wada tashiga beelaha dhulbahante ayaa la filayaa in uu la 1-sado  Sanadda Cusub ee 2012 Hadii Rabi Raalo ka Noqdo.

 Daawo Sawirada

Maxamed Cismaan C.nuur
Laascaanood31@hotmail.com
Xaruunta Wada Tashiga Beelaha SSC
Taleex Sool Somalia