shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Kuwait oo markii ugu horreysay si heer sare ah u soo dhoweysay Mas'uul Soomaaliyeed

(Kuwait.  Dec 05, 2011  Ceegaag Online)

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta gaaray dalka Kuwait ka dib markii uu martikhaat rasmi ah ka helay Amiirka iyo Ra'iisul Wasaaraha dowladda Kuwait. Dowladda Kuwait ayaa si cajiib leh u soo dhoweysey Prof Abdiweli oo ah markii ugu horeysay oo mas'uul Soomaaliyeed sidaas quruxda badan loogu soo dhoweeyo. Waxaa gegida diyaaradaha ee Kuwait uga horyimid Prof Abdiweli Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Dalka Kuwait Sheikh Jaber Al-Mubarak Al-Hamad Al-Sabah, Ra'iisul Wasaare ku xigeeno, golihii wasiirada iyo mas'uuliyiin sar-sare.

Ra'iisul Wasaare Abdiweli markii uu soo cagadhigtay waxaa lagu soo dhoweeyey kaarbet guduudan oo weliba uu salaan sharaf isaga iyo Ra'iisul Wasaaraha ka qaateen cutubyo ciidanka Kuwait ah oo weliba la qaaday heeshihii calanka ee labada dal. Waxaa jidadka waaweyn lagu taxay calanka Soomaaliya iyo calanka Kuwait.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo beryahan xiriirka caalamka xoojiyey ayaa si is-daba joog ah uu u helayey casuumaad madaxda caalamka tan oo muujineysa in caalamku ay si aad ah ugu qanacsanyihiin dadaalka uu wado Prof Abdiweli oo horumar weyn ka sameeyey dhanka amniga, xiriirka maamulada iyo Dowladda Fedraalka ah, maamul wanaaga iyo arrimaha gar-gaarka bani'aadanimo. Waxaa intaas sii wehlisay Roadmap kii dhowaan Somalidu saxiixeen oo muujinaya sida ay Soomaalida ula wareegeen hoggaanka iyo ka talinta aayaha iyo mustaqbalka dalka.

Daawo Sawirada

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
E-mail: engabdirahman@gmail.com

 

webmaster@ceegaag.com