Waxaa degmada Taleex oogobolka Sool tababar loogu soo gaba gabeeyey ciidan loogu talo galay sugida amaanka degmada taleex iyo shirka khaatumo, ciidankan oo tababarka qaatay mudo 20 casho ah ayaa la baray sugida amaanka iyo fardo fuulka, waxa ayna iskugu jiraan rag iyo dumar.
 
 
Waxaa tababarkan bixinayey C/rashiid Jaamac Muuse oo ah qurba joog u dhashay deegaanka Taleex isla markaana waxa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu tababarkan siiyo ciidanka sugi doona amaanka guud ee degmada iyo amaanka shirka intaba, sidoo kale waxa uu xusay in uu tababarkan ka bixin doono guud ahaanba deegnada ay dagaan dadka ku abtirsadda Sool, Sanaag iyo Cayn.
 
 
Waxaa kale oo xafladani ciidanka tababarka loogu soo xidhayey ka hadlay Cuqaal, Abwaano, Ururada Haweenka, Qurba joog u dhalatay deegnadda SSC . Waxa ayna dhamaantood si wayn u soo dhaweeyey Ciidankan tababarka loo soo xidhay, ka hor intii aan ciidankan tababarka loo soo xidhin ayay gaado ka ciyaar ku soo mareen Wadooyinka waawayn ee Degmada Taleex iyada oo ay soo galbiyeen Fardo,T ikniko iyo Dadwayne aad u faro badan.

Isku soo wada duubo Xafladan ciidanka loogu soo xidhayey tababarka waxaa si wayn u soo dhaweeyey dadka ku dhaqan degmada Taleex.

Daawo Sawirada


 
Maxamed Cismaan C/nuur
Degmada Taleex ee gobolka Sool.