shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Caydiid Diiriye Kariiri oo la ildaran dhaawac gawraca oo lagu  khaarajinayay

(Laascaanood, Dec17,  2011 Ceegaag Online)

Waxaa Dhaawaciisa laga helay Ceel ku dhow Guumays oo la yidhaahdo Wadha-ka Dhaawaca Oday Duq ah oo ka soo jeeda deeganadda SSC, Odaygan ayaa waxaa uu ahaa dhawaciisu mid ay ka muuqato Gawricitaan,amaba mindi lagu Damcay in Qoorta Lagaga Jaro. Caydiid Diiriye Kariiri oo ah ninka dhaawacan loo gaystet ayaa isaga oo miyir la'a la keenay xaruunta gobolka sool ee laascanod isbitalkeeda iyadoo markaana dhaawaciisa ay ka muuqatay mindi dhanka dhuunta laga geliyey.


Warku waxaa kale oo intaas ku darayaa in odaygan laga furtay Qori iyo lacag isla markaana loo malaynayo sababta ka danbeysey in dhaawacan isku dayga ah in lagu khaarajiyo ay ka danbeyse damac ka galay qoriga uu wato iyo lacagtiisa.
ilaa iyo imika ma cada cida ka danbeysa arintan.

Wixii warar ah kala soco ceegaag Online.

Maxamed Cismaan Cabdinuur
 

 

webmaster@ceegaag.com