shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Burbur baahsan oo ku habsaday wadada isku xidha Laascanood iyo Garoowe

(Tukoraq, Dec19,  2011 Ceegaag Online)

Wadada Laamiga ah ee isku xidha magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood ayaa mudooyinkii danbe waxaa ku soo badanaya burburka baahsan ee wadadaasi haysta, wadadan ayaa sida muuqata waxaa ay tahay mid bur bur balaadhani haysto isla markaana haatan ku dhow in guud ahaanba wadaadasi ay goobta ay ku taal uga baxdo.
 
Wadayaasha baabuurka u kala goosha magaalooyinka
Garoowe iyo Laascaanood ayaa bur burkan cabasho ka muujinaya iyadoo habeenkiina ay khatar tahay shilalka baabuur ee ka dhasha, warbaahinta Soomaaliyeed qaar kamid ah ayaa u kuur galay wadadaasi, iyado sida aad ku arki doontaan muuqaladda kala gedisan ee ka muuqdana ay ku habsatay bur bur isla markaana aanay jirin cid wax qabad ka samaysey wadadaasi.
 
 
Wadadan burburku haysto ayaa ku taal duleedka Degmada Tukaraq oo kamid ah Goobaha Faro ku tiriska ah ee maamulka Puntland ka arimiyo waxaana ku yaal kantarool kharashaad aad u faro badan uu uga soo xaroodo maamulka Puntland isla markaana ma jirto wax dayac tir ah oo dowlad goboleedka Puntland ay ka hirgelisay wadaadasi.


Qaar kamid ah
wadayaasha baaburta isticmaala wadaadasi ayaa cabasho badan ka muujinaya isla markaa maamulka Puntland ka codsanaya inay sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabtaan.


 
Maxamed Cismaan C/nuur
Lascanod

webmaster@ceegaag.com