shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

BAYAAN TAGEERO & BOGAADIN KU SOCDA SHIRKII WADA TASHIGA QARAN EE GAROOWE

(Taleex, Dec 25,  2011 Ceegaag Online)

A R I Z O N A

2425 E. THOMAS ROAD – Suite 10/12- PHOENIX, AZ 85016

Ph: (602) 522 2100; Fax (602) 667 9700

         www.somaliunitedcouncil.org

                                                                                                                      DATE: 12/24/11

BAYAAN TAGEERO & BOGAADIN

Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Golaha SOMALI AMERICAN UNITED COUNCIL AZ ayaan Hambalyo iyo Bogaadin ugasoo gudbineynaa guusha weyn ee lagasoo hoyiyay Shirkii Wadatashiga ee Garoowe. Wufuuda xurmada mudan ee kasoo qaybgashay waa: Mudane Sheikh Sharif  Sh. Ahmed (Madexweynaha Dawlada KMG Somaliyeed) , Mudane Sharif Hassan Sh. Adan (Guddoomiyaha Barlamaanka), Dr. Abdiweli M. Ali Gaas (Raaisul Wasaaraha) Dr. Abdurahman Sheikh. Mohamed (Madexweynaha Puntland), Korneel Mohamd A. Aalim (Madaxweynaha GalMudug). Sh. Mohamed M. Yusuf (Wakiilka AhluSunna WalJamaca). Mr. Christin Manah (K/Xigeenka Wakiilka Qarammada Midoobay) iyo dadyow matalaya Ururada Bulshada Somaliyeed oo meelo dhowr ah ka-kala yimi.

Tani waxay asaas horumarineed u tahay xal-u-helida arrimaha dib-u-unuga madaxbannaanida, horumarka Dalkeenna hooyo iyadoo loo marayo “tubta-toosan”. Hoggaanka Dawlada Puntland waxay ku ammaanan-tahay Martigelinta wacan iyo habsami u maamulida arrimaha wufuuda; waana sumcad-wanaag iyo sharaf dheraad ah oo usoo hoyatay Dadweynaha Reer Puntland iyo dhammaan Ummadda Somaaliyeed.

Martisharafta iyo Wufuuda la- martigeliyay iyaguna waxay muujiyeen xilkasnimo iyo daacadnimo, waxayna ku ammaanan-yihiin doorkooda wacan ee xilkasnimo oo natiijada haboon iyo mire-dhalka noqday.

Waxaannu ka-wada xunnahay in waqtigan adag ay xildhibaannada qarkood horsedeen arrin aan marnaba loo-joogin oo waxyeello u geysatay sumcadda Golaha Sharci Dejinta Somaliyeed. Waxaan ku talineynaa, kuna-adkeyneynaana in masuuliyada, heshiisyada iyo xeerarka  loo hogaansamo, fawdana layska ilaaliyo.

Waxaan bayaankayaga kusoo gunaanadeynaa – waa fursad, farxad iyo guul sahankeed iyo tilmaanteed ee Dadkayagow tubta-toosan iyo Danta Guud ogaada.

NABADIINO & WARSAN!

Mohamed Ali Abukar

Prof. Mohamed Ali Abukar

Founder & President

 

 

webmaster@ceegaag.com