shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Banaan bax ka dhan ah Xaalada Adag ee Maxaabiista Laascaanood oo ka dhacay Lascanod+sawiro+Cod

(Laascaanood, Dec 22,  2011 Ceegaag Online)

 Codka Banaan baxayaashaas   Dhagayso

Tan iyo Wixii ka danbeeyey markii ay soo if baxday xaalada adag ee ay ku jiraa qaar kamid ah maxaabiista ku xidhan xabsiga dhexe ee lascanod ee ah in ay joojiyeen guud ahaanba Cuntadd ayaa waxaa soo badanayey hadal haynta iyo dadaalka loogu jiro sidii Maxaabiistaasi loo Qancin lahaa isla markaana maamulka Somaliland ay waxa ay doonayaan u sameeyaan.


Inta Badan Maxaabiistan ayaa ka cabanaya Sharci xumada maamulka Somaliland, iyagoo markaasi sheegay in ay mudo kor u dhaafaysa 1-Sano ay Xabsiga iskaga xidhanyihiin Sifo aan sharciga waafaqsanayn,isla markaana waxa ay ka Cabanayaan Maxaabiistani in Sida ugu dhakhsaha Badan Kiisaska loo haysto loogu soo cadeeyo.


Haween waynaha gobolka Sool ayaa xaaladaasi ka biyo diidey iyagoo markaasina Maanta isku soo bax balaadhan ka sameeyey irida hore ee Xabsiga dhexe ee Laascanod kuwasi oo ka soo horjeeday Nidaamka iyo Dhaqanka aan waaqafsanayn Diinta Islaamka isla markaana aanay sharci dhigayaa aanay jirin in Shiqsiyaad Xoriyadda Laga qaado Sifo aan Sharciga Waafaqsanayn.


hadba Waxa aanu La kulanay Qaar kamid ah Haweeenkii Banaan baxaasi Sameeyey
Kor ka Dhagayso Hadalkii Haweenka.
 

Daawo Sawirada

webmaster@ceegaag.com