shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waftigii G6, Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin Reer SSC ah oo Taleex Lagu Soo dhaweeyey.

(Taleex, Dec 30,  2011 Ceegaag Online)

Waxaaa Maanta Si diiran loogu soo dhaweeyey Xaruunta Taariiklhiga ah ee Taleex Ragii Hidisay Shirka Khaatumo 1-2 ee Loo yaqaano G6,Soo dhaweyn Balaadhan ayay kala kulmeen waftigani Xarunta Taariikhigaha ah taleex. Dadwayne  aad u tiro badan ayaa waftidan kaga horbaxay meel qiyaastii 10 u jirta taleex oo dhanka koonfureed ka xigta magaaladda Taleex.

Soo dhawayn Diiran kadib waxa ay waftifani soo gaadheen afaafka hore ee Taleex halkaasi ay ku sugnaayeen baabuur fardo iyo dadwayne aad u tiro badan kuwaasi oo diyaar u ahaa sooo dhawaynta waftidan.

Waxaa sidoo kale soo dhawaynta waftidan ka qayb qaadanayey Isimadda Deeganadda SSC kuwaasi oo su wayn ugu faraxsanaa soo dhawaynta Masuuliyiintan, waftidan soo gaadhay Taleex waxaa kamid ahaa 3Xubnood oo qayb ka ah G6 oo ay kamid ahaayeen Cali Khaliif Galaydh,Cali Ciise Cabdi iyo Dr Maxamed Buraale  Faarax waxaa kale oo waftidan kamid ahaa Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Xukuumadii Farmaajo Mudane C.kariix Xasan jaamac.

Waxaa isaguna wafidan kasoo Raacay Tuuladda Saaxdheer Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad jaamac, Soo dhawayn Diiran oo ay Shacabka Reer taleex kala Kulmeen Waftigani ayaa la Geeyey Qasrigii Loogu Talo Galay inay waftidiani ka dagaan Degmada Taleex.

Qaban Qaabada Soo dhawaynta Waftidan Ayaa si balaadhan maalmihii la soo dhaafay looga Dareemayey Xaruunta Taarikhiga ah ee Taleex, haatana waxaa Degmada Taleex ku sugan Dadwayne aad  faro badan oo ka kala yimi Daafaha Dunida Haba u badnaadeen Goboladda SSC.

Daawo Sawiradda

Maxamed Cisman C/nuur
Taleex

 

webmaster@ceegaag.com