shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Warqad Furan:  Ku shabakadaha Daneeya ama wax ka qora Deegaanka SSC.

(Laascaanod, Aug 03,  2011 Ceegaag Online)

Email: nugaaluniversity@gmail.com Phone 002527412244 or 00252 2 755000 or

International Call number from Europe: 00141 97121888

Anagoo ah midowga ardayda Jaamacadda Nugaal ee deegaanka SSC. Waxan halkan ku beeninaynaa qoraalo ku soo kala baxay shabakadaha Boocame iyo allssc. anagoo ixtiraam iyo qadarin u hayna ashkhaastii  qortay maqaalkaas iyo shabakadaha lagu daabacayba. Anagoo aaminsan in cidda qoraalkaas qortay iyo shabakadaha daabacayba ay u adeegayaan danaha dadka. Waxan haddana caddaynaynaa in maqaaladaasi ay ahaayeen kuwa been abuur iyo gef ku ah Jaamacadda, ardaydeeda, maamulka jaamacadda iyo deeegaanka oo dhan Sidaas daraadeed, waxan maamulayaasha ama mulkiilayaasha shabakadaha sharafta leh ka codsanaynaa kuna wargelinaynaa inaanay daabacin maqaal been abuur ah isla markaana ka soo horjeeda danaha iyo horumarka deegaanka. 

Bani’aadam baa la yahay oo waa la khaldami karaa balse waxa wanaagsan in la kala shiilo wararka saxaafadda ku soo baxaya. Waxan shaki lahayn in dhib wayn iyo dib u dhac uu ka jiro guud ahaan deegaanka SSC. Iyadoo taasi ay jirto haddii intii ka shaqaynaysay danaha bulshada iyo horumarkeeda aan waxan laga faafiyo waa nasiib daro. Waxa nasiib daro ah in cidii qoraaladan qortay aanay mara qorin, waxqabadkii Jaamacadda iyo ardaydeedu ku talaabsadeen waqtiyadan danbe. Waxa nasiib daro ah Jaamacadoodii oo aan laga lahayn inay ku tilmaamaan wax SNM leedahay ama maamusho ama loola galay iwm.  Saacadan aan qoraalka qorayno waxa Jaamacadda si rasmi ah uga socda tababar ku saabsan saxaafada iyo wixii la xidhiidha oo uu bixinayo Eng. Abdala Shafey oo ka soo safray wadanka Denmark si uu uga qayb qaato tayeynta Jaamacadda iyo suxufiyiinta deegaanka. Waxay Jaamacaddu u mahad celinaysaa dhalinyarada ku sugan deegaanka ee u shaqeeya saxaafadda isla markaana nala soo xidhiidhay iyagoo arinkaas ku soo baxay shabakadaha aan kor xusnay ka xun.  Waxan xidhiidh la samayn doonaa maamulayaasha shabakadahaas waxana ku rajo waynahay inay arinkaas raali gelin ka bixiyaan.

Ugu danbayn, waxan codsan lahayn wixii danbe ee ka hadlaya arimaha jaamacadda isla markaana u qoran si negative ah inaan lagu soo qorin shabakadaha ilaa lala soo xidhiidho midowga ardayda Jaamacadda iyo maamulka Jaamacadda Nugaal.

Aad baad u mahadsan tihiin,

Ururka Midowga Jaamacadda Nugaal ee Lasanod, Gobalka Sool

 

 

webmaster@ceegaag.com