shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa dalka Soomaaliya ugu deeqay $350 milyan oo dollarka Maraykanka ah

(Ankara, Aug 18,  2011 Ceegaag Online)

Ururka Iskaashiga Islaamka oo shir maanta ku yeeshay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa isku raacay, baahida loo qabo in dalalka Islaamku ay ciyaaraan door wax ku ool ah, si loo badbaadiyo 3.7 Milyan oo qof oo macaluul ku hayso Geeska Afrika, waxaana shirka soo qabanqaabiyey Xukuumadda Dalka Turkiga.

“Dhamaaan waxaa la isku raacey in Soomaaliya la siiyo $350 milyan oo Dollar, waxaana rajeyneynaa in lacagtu intaas ka badato oo gaarto $500 Milyan, taas oo ku soo xeroota muddo yar ayuu yiri Xogahayah Ururka Iskaashiga Islaamka Mr.Ekmeleddin Ihsanoglu

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Shiikh Sahriif Shiikh Axmed ayaa shirka ka qaybgalay waxaana uu halkaas ka soo jeediyey khudbad ku aadan xaaladda Soomaaliya, isaga oo uga mahad celiyey dhamaan walaalaha muslimiinta ah ee ka danqadey dhibaatada maanta ka jirta dalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee waa deeqdii u balaarneyd ee dalalka ku jira Ururka Iskaashiga Islaamku ay ugu yaboohaan Soomaaliya, waxaana lagu wadaa haddii deeqdaas loo bixiyo sida loogu yaboohay isla markaana loo maamulo si wanaagsan in ay wax badan u qaban karto dadka ku dhibaateysan xeryaha Qaxootiga ee Geeska Afrika.

Qaramada Midoobey ayaa bishii la soo dhaafey ee July ku dhawaaqey in dalka Soomaaliya ay ka jirto Macaluul aad u ba’an taas oo ka dhalatay abaarta dalka ka jirta iyo saameynta colaadaha.

 

webmaster@ceegaag.com