shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Tababar Saxaafadeed kooban oo ku soo gabagaboobay Jaamacadda Nugaal ee Lasanod.

(Laascaanod, Aug 13,  2011 Ceegaag Online)

     

Jaamacadda Nugaal waxa ku soo gabagaboobay tababar dhanka saxaafadda oo soconayey mudadii u dhaxaysay 01/08/2011--- 07/08/2011. Tababarkan waxa  bixinayay  Eng. Abdalla Abdirahman Shafey oo ka mid ah qurbajoogta deegaanka u dhashay balse ahdda deegaankiisu yahay wadanka Denmark.

Waxyaabaha koorsadan gaaban lagu bartay  ayaa  waxa ka mid ahaa: Web deisgn, film making, Adobe photoshop CS4, Adobe illustrtator, Adobe in design, Adobe premier, Sony vegas iyo waxyaabo badan oo saxaafadda aad ugu muhiim ah.

Tababarkan ama koorsadan gaaban waxa ka faa’iidaystay ardayda Jaamacadda Nugaal, Ardayda Dugsiyada Sare, aqoonyahano, suxufiyiin, arday iyo aqoon yahano ka kala yimi Jaamacaddaha deriska la ah gobalka Sool ee ay ku taal jaamacadda Nugaal.

                         

Seminaarkan oo ahaa mid ay aad ugu baahnaayeen dhalinyarada ku dhaqan deegankan maadaama aanay horey u arkin meel lagu dhigayo wax ku saabsan saxaafadda ama lagaga hadlayo ayaa waxa laga faa’iiday duruus badan oo ku saabsan barashada saxaafadda oo taabanaysa dhincyo badan. Waxa iyana xusid mudan in tababarkani ahaa aqoon loo soo badhigay si casri ah. Tababaraha bixinayey koorsadan ayaa wuxu soo koobay duruus iyo aqoon u qalanta duruusta lagaga qalin jabiyo jaamacadaha adduunka.

                          

Eng:Abdalla Shafay

Eng. Abdala Shafay oo ah aqoon yahan takhasusaad kala duwan leh sida saxaafadda, Math and computer Science, isla markaana ah qoraa leh buugaag aad looga faa’iidaystay ayaa wuxuu fursad u helay intii uu joogay gobalka inuu la kulmo ardayda ka qalin jabinaysa Jaamacadda Nugaal, waaxda cilmiga barasshada xisaabta iyo computerka (Math and Computer Scienice). Halkaas oo ay ardaydu ku soo bandhigeen Data Base Program loogu talo galay in jaamacaddu ku shaqayso oo ay sameeyeen ardaydaasi.

                              

Dhamaan ka soo qayb galayaashii tababarkan oo ay ugu horeeyaan maamulka Jaamacadda Nugaal, ardayda iyo bulshada kala duwan ee ka faa’iidaystay koorsadan ayaa waxay mahadnaq baaladhan ui soo jeedinayaan Eng. Abdala Shafey. Sidoo kale waxan rajaynaynaa in ay deegaanka dib ugu soo noqdaan aqoon yahano kale oo umadda u faa’iideeya sida Eng. Shafey oo kale.

www.ceegaag.com  

 

 

webmaster@ceegaag.com