shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sideen ugu diyaar garownaa Bisha Ramadaan?

(Muqdisho, Aug 06,  2011 Ceegaag Online)


Allaah ayaa mahadoodhan iskaleh Nabad galyo iyo Naxariis ha ahaato Suubanaheenna SCW  kadib Waxaan jeclahay inaan walaalahayga kala qeyb qaato is xusuusinta hababka ugu wanaagsan ee aan kusoo dhaweyn karno bishaan barakeysan  Marka hore: Isdiyaarinta nafsaaniga iyo camaliga ama shaqada ee bishaan barakeysan:
" Ducada oo labadiyo inta uusan soogalin ramadaanka ducooyinka soo aroorayna waxaakamid ah :
A- (Allaahumma baarik lanaa fii rajab wa shacbaan wa ballignaa Ramadaan)
B- (Allaahumma sallimnii ilaa ramadaan wasallim lii ramadaan watasallamhu minnii mutaqabalan)
" Niyooyinka ay haboontahay in qofka uu sii niyeysto intuusan imaanin ramadaanka:
Sida kusugan saxiixul muslim xadiithul qudsi ayuu allaah SXW kuleeyahay (Addoonkeyga hadii naftiisa uu ugu sheekeeyo inuu camal wanaagsan sameysto waxaan u qorayaa xasanah)


Niyooyinka larabo bishaan waxaakamid ah:

1- In qofka uu niyeysto inuu khatimo quraanka kariimka ah dhowr jeer
2- In qofka uu niyeysto inuu allaah u towbad keeno asagoo katowbad keenayo dunuubtiisii oodhan
3- Inuu niyeysto in bishan barakeysan ay unoqoto bishii uu kheyrka bilaabi lahaa siina wadi lahaa kheyrkaas waligiisba insha allaah
4- Inuu qofka niyeysto inuu bishaan sameysto ajar aad iyo aad u fara badan waayo bishaan ajarka waa la laba jibaaraa
5- Inuu qofka niyeysto inuu bishaan hagaajiyo akhlaaqdiisa iyo habdhaqankiisa uu dadka kula dhaqmaayo dhaqan wanaagsanna uu yeesho
6- Inuu niyeysto inuu bishaan barakeysan ka shaqeeyo faafinta iyo fahamsiinta dadka diinteena islaamka ee qiimaha badan waayo bishaan waa bil ay dadka kheyrka usoo jeedaan jecel yihiinna
Inuu niyeystaa inuu jadwal u sameysto cibaadada bishaan iyo daacadda allaah iskuna dayaa inuu jadwalkaas ku dhaqmaa
" Daalacashada iyo akhrinta kutubta iimaaniga ah: waxaana loola jeedaa in qofka uu akhriyo kutubta RAQAA'IQDA ama quluubta jilciso ee bishaan ugaarka ah si naftiisa ugu diyaar garowdo bishaan barakeysan caadifad iimaani ah oo wanaagsanna uu uhelo
" Aqri kitaabka (lataa if al macaarif) {babul wadaa if shahri ramadaan} natiijada waad arkeysaaye
" Soon wax kamid ah bisha shacbaan wuxuu kuugu noqonaayaa diyaar garow bisha ramadaane
" Walaal ka faa'iideyso fadaa'isha bishaan ramadaan iyo soonkeda: danbigaa lagu dhaafaa, naartaa la isaga xureeyaa, waxaa ku jirto habeenkii laylatul qadarka, oo malaa'ikta ay danbi dhaafka kuugu duceyneysay, ajarka ayaa la laalaabaa, waa bil naxariis ah waa bil la isu danbi dhaafo ka faa'iideyso qeybahaan oo dhan si naftaada aad usiiso nashaad iyo fir firconi
Dhageyso cajaladaha muxaadarooyinka ka hadlaayo bishaan
" Dhageyso Matalan hal cajal ama laba cajal kudhageyso guriga ama xitaa baabuurkaada waxad heleysaa natiijada insha allaah
" Aqri ama dhageyso aayadaha ramadaanka tafsiirkooda
" (Nala fadhiiso aan ramadaanka xasuusannee) waxaa kadhigataa cinwaan fadhi aad la qaadato dadka aad jeceshahay ee wanaaga aad ku taqaanno
" Isku day inaad u jarto qeyb kamid ah lacagta kusoo gasho bishaan oo aad ku fuliso mashaariicda bishaan sida:
" Sadaqada bisha ramadaan
" Inaad ku gado kutub risaalooyin iyo cajalado si aad ugu qeybiso lacag la'aan
" Inaad ka qeyb qaadato afurinta dadka baahan
" Inaad aado xaramka si aad usoo gutato cumro bishaan ramadaan haday suuro gal kuutahay
Waxaad barataa FIQIGA SOONKA (aadaabta iyo axkaamta) adigoo ka baranaayo masaajidda iyo maraakizta
Tag oo ka qeyb gal muxaadarooyinka nadwooyinka iyo duruusta ku saabsan bishaan ee la qabanaayo
Gurigaada u diyaari bishaan barakeeysan ilmaha iyo xaaska ( adiinkoo kawada hadlaayo sidee ugu diyaar garownaa bishaan barakeysan)


Gaba gabo:

 waxaan allaah ka baryaa inuu nabad nagu gaarsiiyo bisha barakeysan ee ramadaan nagana dhigo kuwo kafaa'iideysta acmaal wanaagsanna sameysto laguna daro kuwa laga xureeyo naarta Allaahumma aamiin
Waxaan kusoo gaba gabeynayaa maqaalkan gaaban ee aan ugu talo galay inaan kagala qeyb qaato walaaladeey soodhaweynta bishan barakeysan waxaan allaah ka baryayaa wixii khalad ah ee ku jiro inuu iiga danbi dhaafo igana cafiyo
Walaaladeyda akhristayaasha ahna waxaan ka codsanayaa iney igasaxaan wixii khalad ah ama toosin ah waxaan shaki ku jirin inay adagtahay in lahelo wax wada saxan oo banii aadam sameeyay inuu allaah waafajiyo mooyee
Waxaan aad iyo aad ujeclahay inaan heli wixii talo iyo toosin ah anigoo isku dayi doono inaan kaga faa'iideysto qoraalada danbe insha allaah iigusoo dir wixi talo ama toosin ah cinwaankeyga hoosta kuqoran wajazaakumullaahu kheyran Asalaamu caleykum wr wb


ramadaan kariim dhamaantiin

walaalkiin

c/naasir yuusuf macalin

cnaasir114@hotmail.com

muqdisha Somalia

 

webmaster@ceegaag.com