shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shir looga  hadlayay sidii dhaqaalo loogu ururinlahaa abaaraha dalka Soomaaliya oo ka dhacay xarunta hay’adda SCERDO ee Magaalada Edmonton, Canada.

(Edmonton, August 01,  2011 Ceegaag Online)

Shir ay soo qabanqaabisay hay’adda waxbarasha iyo horumarinta reer miyiga ee SCERDO lagagagana hadlayay sidii dhaqaalo loogu ururinlahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu haystaan ayaa ka dhacay xarunta hay’addaas.

 

Shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin kakala socda DFKM, madaxdhaqameedyo, hoggaamiyayaasha ururada Soomaaliada ee Edmonton, aqoonyahanno , abwaaniin iyo waxgarad kale oo farabadan ayaa lagu falanqeeyay sidii loo caawinlahaa dadka Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan gudaha dalka Soomaaliya iyo kuwa ku sugan ama ku soo qulqulaya xeryaha qaxootiga ee dalka Kiiniya.

 

Xafladdaas oo uu xidhiidhinayay Abwaan Ciise Xaaji Ismaaciil ayaa ugu horrayn waxaa quraan wacdi ah ku furay Cabdicasiis Liibaan oo halkaas ka akhriyay aayado quraan ah  iyo wacyi ku saabsan sida ay ummadda muslimiinta ah iyo Soomaalidaba waajibka ugu tahay in ay iscaawiyaan isuna gargaaraan xilliyadan adag oo kale.

 

Kadib waxaa erayo soodhawayn ah ka jeediyay guddoomiyaha guddiga fulinta ee hay’adda SCERDO Bashir Xaaji Cali (Jamaal) isagoo u mahadceliyay waxgaradkii ka soo qayggalay shirka islamarkaana ka codsaday in loo tafaxayto sidii  dhaqaalo xoogleh loogu ururinlahaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalkeennii hooyo.

Waxaa ka dib lagu wareejiyay marafoonka Wasiirka Beeraha, xannaanada xoolaha iyo duurjoogta ee DFKM ee Soomaaliya Dr. Cabdillaahi Maxamed Samow oo ku dheeraaday dhibaatada haysata ummadda Soomaaliyeed dhinac walba islamarkaana tilmaamay in sida kaliya ee lagagabixikaro arrintaas ay tahay midnimo iyo isku duubni. Waxaa kale oo wasiirku ku adkeeyay dadkii ka soo qaybgalay shirka in aan lookala hadhin sidii loogu gurman lahaa dadkeenna abaaruhu ku habsadeen isla markaana la garab istaago DFKM ee Soomaaliya sidii ay u xasilin lahayd dalka Soomaaliyeed ee dagaalladu aafeeyeen.

Waxaa sidoo kale halkaas gabayo duco iyo xigmad xambaarsan ka soo jeediyay aqoonyahannada iyo abwaaniinta kala ah Cabdillaahi Xasan Dhooble , Cabdicasiis M. Liibaan iyo Ciise Xaaji Ismaaciil oo saddexduba gabayadoodii ku cabiray marxaladda adag ee dalka Soomaaliya ku jirto iyo sidii looga samatabixilahaa.

 

Waxaa isna halkaas hadalo dhiirrigalin iyo duco ka soo jeediyay Suldaan Subeer Maxamed Cali iyo Caaqiil Muuse Cismaan Gaabay oo iyana ku dhiirrigaliyay dadkii ka soo qaybgalay shirka  in loo gurmado dadka ay abaaruhu waxyeelleeyeen si wadajir ahna looga wadaqaybgalo gurmadkaas.

 

Waxaa iyana goobtaas hadallo qiiro badan ka soo jeediyay Sahara Xaashi iyo Farxiya  Abshir oo ka kala socday ururada ESCC iyo ASCC iyagoo ballanqaaday in ay si hagarla,aan ah uga qaybgalidoonaan dhaqaala ururinta loosamaynayo dadka abaarahu haystaan.

 

Waxaa iyana goobtaas hadallo gaagaaban ka soo jeediyay waxgarad iyo aqoonyahanno ay ka midyihiin Shukri Maxamed Hirmooge, Cawil Siciid Faarax Dhawre, oo labaduba ku dheeraaday sida ay waajibka diiniga ah ay u tahay in loo kaalmeeyo dadkeenna dhibaataysan.

 

Shirkaas ayaa ku soo gabagaboobay jawi aad u sarreeya islamarkaana waxaa halkaas dhaqaalo loogu ururiyay dadka abaaruhu hayaan iyadoo dib lagu ballamay in la joogteeyo dhaqaalo ururinta islamarkaana lalakaashado dawladda dhexe ee Canada iyo ta gobolka Alberta-ba.

Daawo Sawiradda

Source: Scerdo.org

 

webmaster@ceegaag.com