shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ogeysiis: Jaamacada Nugaal oo bixineysa Deeq Waxbarasho.
 

(Laascaanod, Aug 23,  2011 Ceegaag Online)

Ogaysiis

Jaamacadda Nugaal oo sannadahan ku hawlanayd horumarinta, tayaynta iyo dhiirrigelinta dhallinyarada waxbarata ee degaanka ayaa waxay ugu bishaaraynaysaa ardayda dhammaysay dugsiyada sare ee diyaarka u ah in ay sii wataan tacliinta sare islamarkaana aan awoodin in ay iska bixiyaan kharashka waxbarashada, waxbarasho bilaash ah (scholarship).

Waxbarashadan bilaashka ah ayaa lagu tartamayaa iyadoo mudnaan la siin doono derejada uu ka haysto imtixaankii uu kaga baxay ardaygu dugsiga sare, xaaladda dhaqaale ee ardayga, sida ay uga go’antahay in uu dhammaysto waxbarashadan bilaashka ah haddii la siiyo, waxa uu bulshada u qabandoono haddii uu waxbarashadan dhammaysto iyo derejada uu ka keeno imtixaanka lagu tartamayo.

Haddaba sidii hore looga bartay Jaamacadda Nugaal waxay diyaar u tahay in ay u fududayso ardayda aan awoodin in ay iska bixiyaan kharashka waxbarashada jaamacadda sidaas darteed waxa ardayda u tartami doonta scholarshipka looga baahanyahay in ay buuxiyaan shuruudaha hoos ku xusan:

Shuruudaha Aqbalaadda

      1.      Waa in uu wato shahaado dugsi sare

      2.      waa in uu keeno afar sawir oo kurka ah

      3.      Waa in uu buuxiyo warqadda applicationka ee jaamacadda

     4.      waa in uu soo gudbisto qoraal caddaynaya sababta uu u dalbanayo scholarshipka (sida; agoonimo, dhaqaalexumo iwm), waxa uu rabo in uu barto iyo waxa uu bulshada u qabandoono marka uu waxbarashada dhammaysto.(qoraalkan waxa uu ku diyaarinayaa English)

      5 .      Waa in uu bixiyo registration fee dhan $20 (looma celinayo hadduu tartanka ku guulaysan waayo)

      6.      waa in uu diyaar u yahay in uu ilaaliyo nidaamka iyo habdhaqanka jaamacadda (Code of conduct)

F.G:

·               Qabashada documentigu waa 21/08/2011 ilaa 26/08/2011.

·           Imtixaanka waxa loo fadhiisanayaa 28/08/2011 

Good Lucky!

 

Nugaal University Email: nugaaluniversity@gmail.com  Phone 002522755000,

 or Cheap International Call number from Europe: 00141 97121888

 

webmaster@ceegaag.com