shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mu'asasadda Al-Naciim Foundation oo raashin iyo lacag u qaybisay qaar ka mid ah barakacayaasha Muqdisho
 

(Muqdisho, Aug 25,  2011 Ceegaag Online)


 Mu'asasadda Al-naciim Foudation oo ka mid ah hay'adaha ka howlgala Muqdisho ayaa deeq isugu jirta raashin iyo lacag u qabisay barakacayaal ku jira kaamam ku yaalla magaalada Muqdisho.
 
 Deeqdan ayaa waxaa bixisay mu'asasadda Al-naciim, waxaana ka faa'iideystay 130-qoys oo ka mid ah barakacayaasha abaaraha ee ku  sugan Muqdisho, waxaana ka mid ahaa dadka loo qaybiyay kuwo xanuunsan
iyo kuwo ay ka muuqatay diif aad u ba'an.
 
 Madaxa mashaariicda ee Al-naciim Siciid Cali Siiddii ayaa sheegay in deeqdani ay ugu talogaleen dadka ay waxyeelladu u geysatay abaaraha ku dhuftay dalka, isagoo sheegay inay gargaarka u qaybiyeen laba qaybood oo kala ah raashin iyo lacag caddaan ah.
 
 "Gargaarka aan siinnay dadka dhibaateysan wuxuu isugu jiray lacag iyo raashin, taasoo aan uga gol lahayn in dadka ay helaan lacago cadaan ah oo ay ku iibsadaan wixii ay doonaan maadaama ay nagu soo fool-leedahay
maalinta ciidul-fidriga," ayuu yiri Siciid Cali.
 
 Dadkii deeqdan la guddoonsiiyay oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay aad ugu farxeen deeqda raashinka iyo lacagta isugu jirtay ee ay mu'asasadda Al-naciim guddoonsiisay shalay, iyagoo sheegay in
lagu soo beegay xilli ay baahi weyn u qabeen.
 
 "Alle wax ka khayr badan ha ugu bedelo intii bixisay iyo intii nasoo gaarsiisay," ayay tiri haweenay waayeel ah oo ka mid ahayd dadkii deeqdan la siiyay. Waxaana ka mid ahaa dadka deeqdan la siiyay haween
xambaarsanaa caruur aad u da'yar.
 
 Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhuftay abaaro xooggan oo sababay inay dad badan kasoo cararaan deegaannadii ay ku noolaayeen kaddib markii ay xoolihii iyo beerihii ay noloshoodu ku tiirsanayd ay abaaraha ku
waayeen.
 
 Ma ahan markii ugu horreysay oo deeq caynkan oo kale ay mu'asasada Al-naciim Foundation ay ka qaybiso Muqdisho iyo gobollada dalka, waxaana bishii lasoo dhaafay ay gargaar ka bixisay kaamam ku yaalla
degmada Hodan.


 

 

Cabdinaasir Yuusuf Macalin

cnaasir114@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

 

webmaster@ceegaag.com