shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Meesha uu Sunnuhu kaga jiro Islaamka (waa qoraal aad u muhiim ah).

(Soomaaliya, Aug 15,  2011 Ceegaag Online)

 

Aliimaam Maxamed Nasiru Diin Alalbani.

Hordhac:

الحمد لله والصلاة والسلام على رسـول الله وعلى آله وصحبه ومن والاه.

Tan waxay ahayd Muxaadarad, aan ka jeediyey magaalada Dooxa caasimada Qadar, bishii Ramadaan ee barakaysnayd Sanadkii 1392 Hijriyah, waxay ii soo jeediyeen Walaalaha qaarkood inaan daabaco faa’iidooyinka ku jira ee muhiimka ah awgeed, iyo baahida ay muslimiintu u qabaan tan iyo wixii la mid ah, anoo ka jawaabaya codsigooda ayaan daabacay, si ay faa’iidadu u noqoto mid caama ah, anigoo

Ilaalinaaya waqtiga iyo taariikhda, waxan ku daray cinwaano qaarkood fasilaya, si aan ugu gargaaro akhristayaasha wanwanaagsan, say u ururin karaan madax fekredaha, waxaan Allaah casaa wajalaa ka rajaynayaa inuu igu qoro mid ka mid ah kuwa Diintiisa daafacaaya, oo u hiilinaya Shareecadiisa, oo uu iga ajar siiyo, isaga ayaa ah masuul kii ugu deeqda badnaayee.

Wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay Iimaamku sidan soo socota:

 Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa jiritaanka oo aan Allaah ahayn, kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.

{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow, Allaah ka cabsada cabsi dhab ah hana dhimanina idinkoo aan muslimiin ahayn.} [Aali cimraan: 102] {Dad yohow rabigiina ka cabsada, idinka abuuray naf keliya (Aadam calayhi salaam), ee ka sii abuuray xaaskeedii (Xawaa calayhaa salaam) ee ka sii abuuray rag badan iyo dumar, oo ku kala fidiyey dunida guudkeeda, ka cabsada Allaaha aad wax isku waydiisataan, iyo inaad riximka gowsaan, Allaah kor buu idinka ilaalinayaa oo waa ogyahay acmaashiina} [Nisaa: 1].

{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow Allaah ka cabsada, oo ku hadla hadal toosan wuxuu idiin hagaajin acmaashiina, wuuna idiin dembi dhaafi, kii Allaah iyo Rasuulkiisa adeeca ayaa liibaanay liibaan wayn (janada nicmooyinka badan leh gelaya)} [Alaxzaab: 71&72].

Intaa ka dib: hadal waxaa u rumaysan Kitaabka Allaah, waxana u wanaagsan hanuun hanuunkii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, arimaha waxaa u shar badan kuwa la abuuro, arin kasta oo la abuuraana waa bidca, bidca kastaana Naar ayay geli.Intaa ka dib:

U malayn maayo inaan kari karayo, inaan soo hordhigayo shirkan wanaagsan, siiba iyada oo ay joogaan culimo waaweyn iyo barayaal fadli badani, wax cilmi ah oo aanay hore u ogayn. Hadii danigaygu ii run sheego, waxay iigu filantahay kelmedaydu in aan noqdo xusuusiye iyo waaniye, anigoo raacaya qowlka Allaah tabaaraka wa tacaalaa: [الذاريات:55] {وذكر فإن الذكري تنفع المؤمنين} {ee wax xusuusi oo waani, waayo waanada iyo xusuustu waxay anfacaan mu’miniinta ee} hadaba kelmedaydu habeenkan barakaysan, oo ka

 Mid ah habeenada bisha ramadaan ee wayn, uma arko inaan beyaamiyo wax ka mid ah fadliyaalkeeda iyo Axkaamteed, iyo fadliga uu leeyahay qiyaamku habeenadaa iwm, oo ay caada ahaan ka hadlaan Wacdigeliyaashu iyo Hanuuniyayaashuba, wixii anfacaya soomanayaasha, ee u keenaya khayr iyo barako, ee waxaan doortay inuu noqdo hadalkaygu baadhitaan aad u muhiim ah, waayo waa asal ka mid ah usuulka shareecada wanaagsan, waana beyaaminta ama cadaynta ahmiyada sunnuhu ku leeyahay tashriicda Islaamka.

Shaqada Sunnaha ee Quraanka:

Dhamaantiin waxaad ogtihiin in Allaah tabaaraka wa tacaalaa uu u doortay Maxamed sala Allaahu calayhi waslam nebinimadiisa, uuna ku khaas yeelay risaaladiisa, waxa uu ku soo dejiyey kitaabka Alquraanu alkariim, wuxuuna ku amray oo ka mid ahaa waxyaabaha uu ku amray, in uu u cadeeyo ama u beyaamiyo Quraanka dadka, wuxuuna yidh tabaaraka wa tacaalaa: [النحل:44]{وأنزلنا إليك الذكر لتبين للنَّاس مانزل إليهم} {waxaanu kuu soo dejinay Quraanka, si aad ugu cadayso dadk wixii loo soo dejiyey}, waxaan u arkaa cadayntaas lagu sheegay Aayatan kariimka ahi, inay ka koobantahay laba Nooc oo cadayn ah: -

Tan hore: waa cadayn lafdiga iyo nadaamkiisa, waana gaadhsiin Quraanka iyo inaanu waxba ka qarin, oo uu u gaadhsiiyo Ummadda sidii uu ugu soo dejiyey Allaah tabaaraka wa tacaalaa qalbigiisa sala Allaahu calayhi wasalam, waana muraadka laga leeyahay qowlka Allaah tabaaraka wa tacaalaa:[المائده:67] {يأأيها الرسول يلغ ماأنزل إليك من ربك} {Rasuulyohow gaadhsii dadka, wixii lagaaga soo dejiyey xaga

Rabigaaga}, waxay tidhi Caa’isha Allaah ha ka raali noqdee, xadiith ay leedahay: ((ومن حدثكم أن محمداً كتم شيئا أمره بتبليغه فقد أعطم على الله الفرية. ثم تلت الأية المذكورة(أخرجه الشيخان) وفي رواية المسلم:(لو كان رسول صلى الله عليه وسلم كاتماً شيئاً أمره بتبليغه لكتم قوله تعالى:<وإذتقول للذي أنعم الله عليه وأنعمت عليه أمسك زوجك واتق الله وتخفي في نفسك ما الله مبديه وتخشى الناس والله أحقُّ أن تخشاه>[الأحزاب:37]))) ((Ruxii idiinku sheekeeya, in Maxamed qariyey wax lagu amray in uu dadka gaadhsiiyo, waxa waynaatay been abuurashada uu xaga Allaah ka galay. Markaas ayey akhriday Aayadaan soo sheegnay)) Riwaayada Muslimna waxay tidhi: ((haduu ahaan lahaa

 Rusuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam, mid qariyey wax lagu amray inuu gaadhsiiyo dadka, wuxuu qarin lahaa qowlka Allaah ee ah:{markaad ku tidhi kii Allaah u nicmeeyey, adna aad u nicmaysay, hayso xaaskaaga(Sayd binu Xaarithah), oo Allaah ka cabso, oo waxaad naftaada ku qarinay wax Allaah muujin doono, oo waxaad ka baqaysaa dadka(ka xishoonaysaa)Allaah baana mudan inaad ka baqdo.} )).

Tan labaadna: waa cadaynta macnaha lafdiga ama jumlada ama Aayada, ay u baahantahay Ummadu in loo cadayeeyo, badanaa waxay noqonaysaa Aayadaha mujmalka ah, iyo ku caamka ah, iyo mudlaqa ah, Sunnaha ayaa yimaada oo markaas ayuu cadaynaaya mujmalka, oo khaas yeelaa caamka, oo soo xidhaa mudlaqa, taas waxay noqon hadalkiisa sala Allaahu calayhi wasalam, sidoo kale camalkiisii iyo iqraarkiisii (wax yaabihii uu qiray).

Tusaalayaal ahmiyada u Sunnuhu u leeyahay fahmida Quraanka: -

Qowlka Allaah tabarka wa tacaalaa:[المائده38]{والسارق والسارقة فاقطعوا أيدهما} {Tuuga iyo Tuugada Gacmahooda gooya } Aayadanu waa tusaale ku haboon Mawduucan, waayo kelmeda tuug waa mudlaq (oo tuug oo dhan weeye, ama wax yar ha xado ama wax badan ee ), sidoo kale Gacantu waa mudlaq (waa Gacan oo dhan), markaa Sunnuhii qowlka ahaa baa inoo cadeeyey tan hore, oo ku soo xidhay tuuga loo jeedo inuu yahay kii xada Rubuc Diinaar iyo wixii ka badan, taas oo ah qowlkiisa sala Allaahu calayhi wasalam: [أخرجه الشيخان] ((لا قطع إلى في ربع ذينار فصاعدا)) . Aayada kalena waxa inoo cadeeyey Sunnihiisii

Ficilka ahaa sala Allaah calayhi wasalam, ama ficilkii Asxaabtiisa iyo qiritaankiisii, Asxaabtiisii waxay Gacanta tuuga ka gown jireen kalagowska sida ku cad kutubta xadiiska, Sunnaha qowlka ahi wuxuu kaloo cadeeyey gacanta lagu sheegay Aayada gogobaysiga:[النسـاء: 6 ] {فأمسحوا بوجوهكم وأيديكم} {ku masaxa Wejiyaalkiina iyo Gacmihiina}, oo yidhi waa kafka ama baabacada, waana qowlkiisa sala Allaahu calayhi wasalam:[أخرجه أحمد والشيخان وغيرهم من حديث عمار بن ياسر رضىالله عنه] ((التيمم ضربة للوجه والكفين)) ((Gogobaysigu waa ku dhufasho wejiga ah, iyo labada kaf ama baabaco )).

Hadana Aayado kale oo aanay suurta gasheena in aan u fahamno, faham saxeex ah muraadaka Allaah tabaaraka wa tacaalaa uu ka leeyahay, hadaan Sunnuhu cadayn:

Tan koobaad qowlkiisa tacaalaa: [الأنعام: 82]{الذين آمنوا ولم يلبسوا إيمانهم بظلم أولئك لهم الأمن وهم مهتدون} {kuwii Allaah iyo diintiisa xaqa ah rumeeyey, oo aan huwin iimaankooda Dulmi, kuwaas ayaa leh ammaan, waana kuwa hadaysan}. Asxaabtii Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam markay soo degtay Aayadanu, waxay u fahmeen dulmiga sida caamka ah, oo ah dulmi oo dhan haba ahaado xataa mid yar ee, wayna ku adkaatay sidaas ay Aayadu sheegtay waxayna yidhaahdeen: ((يا رسـول الله أينا لم يلبس إيمانه بظلم؟ فقال صلى الله عليه وسلم: ليس بذلك إنما هو الشرك ألا تسمعوا إلى قول لقمان:<إن الشرك لطلم عظيم> [لقمان:13][أخرجه الشيخان وغيرهما])) ((Rasuulkii Allaahow kaayagee baan iimaankiisa dulmi huwin? Wuxuu ku yidhi sala Allaahu calayhi wasalam, maaha kaa(saad moodeen), ee waxa weeye shirkiga, miyaydaan maqal qowlka Luqmaan: { shirkigu waa dulmi wayn } )).

Tan labaadna qowlkiisa tacaalaa: {وإذا ضربتم في الأرض فليس عليكم جناح أن تقصروا من الصلاة إن خفتم أن يفتنكم الذين كفروا}[النساء:101] {hadaad ku safartaan dhulka, maaha korkiina wax dembi ah, inaad soo gaabisaan Salaada, hadii aad ka baqdaan inay idin dhibaan kuwa gaaloobay }. Sida Aaayada daahirkeeda ka muuqata, waxay tahay in Salaada soo gaabinteedu qofka safarka ah ay ku xidhantahay inay jirto baqdini, sidaas darteed bay Saxaabadii u waydiiyeen Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam oo yidhaahdeen: ((ما بالنا نقصر وقد أمنا؟ قال: صدقة تصدق الله بها عليكم فاقبلوا صدقته [رواه مسلم])) ((maxaan u soo gaabinaynaa anagoo amaan joogna? Wuxu yidhi: waa sadaqad Allaah idinku sadaqadaystay, ee aqbala sadaqadiisa)).

Tan saddexaad qowlkiisa tacaalaa: [ المائده:3] {حرمت عليكم الميتة والذم ....} {Waxa laydinka xarimay bakhtiga iyo dhiiga …} markaas ayaa Sunnihii qowlka ahaa cadeeyey in Ayaxa, Kaluunka, Beerka iyo ganacu, yihiin bakhti iyo dhiig xalaal ah, wuxuu yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: ((أحلت لنا ميتتان وذمان: الجراد والحوت-السمك بجميع أنوعه- والكبد والضحال)) [أخرجه البيهقي وغيره مرفوعاً وموقوفاً إسناد الموقوف صحيح وهو في حكم المرفوع لأنه لا يقال من قبل الرأي] ((waxaa laynoo xalaaleeyey laba bakhti iyo laba dhiig: Ayaxa iyo Xuutka- waa Kaluunka noocyadiisa oo dhan, iyo beerka iyo ganaca)).

Tan Afaraad qowlkiisa tacaalaa: {قل لا أجد قي ما أوحي إلي محرماً على طاعم يطعمه إلا أن يكون ميتة أوذماً مسفوحاً أولحم خنزير فإنه رجس أوفسقاً أهل لغير الله به [ الأنعام:145]} {waxaad ku tidhaahdaa kama helaayo wixii lay soo waxyooday, wax ka xariman cida cunaysa oo aan ahayn bakhti, ama dhiig duulaaya ama hilib Doofaar, waayo waa nijaas ama wax xun oo lagu gowracey magaca Allaah waxaan ahayn }. Markaas ayaa sunnihii yimi, wuxuuna xarimay wax yaabo aan lagu sheegin Aayadan, sida qowlkiisa sala Allaahu calayhi wasalam: ((كل ذى ناب من السباع وكل ذى مخلب من طير حرام)) ((dhamaan wixii miciya leh oo habardugaag ah iyo

 Dhamaan wixii cidiyaha adag ee soo godan oo ay wax ku goostaan leh, oo Shimbiro ahi waa xaraam)), xadiithyada kale ee iyana inaga nahyiyaya wax yaabo kale oo aan Aayada lagu sheegin, waxa ka mid ah qowlkiisa sala Allaahu calayhi wasalam maalintii khaybar: ((إن الله ورسوله ينهيانكم عن الحمر الإنسيه فإنها رجس[ أخرجه الشيخان])) ((Allaah iyo Rasuulkiisu waxay idinka nahyiyayaan Dabeeraha, waayo waa nijaas )).

Tan shanaadna qowlkiisa tacaalaa: [الأعراف:32] {قل من حرم زينة الله التى أخرج لعباده والطيبات من الرزق} {waxaad tidhaahdaa, yaa xarimay wax yaabaha laysku qurxiyo ee Allaah u soo saaray adoomihiisa iyo risiqa wanaagsan.} Sunnihii baa hadana cadeeyey, in wax yaabaha laysku qurxiyo, ay ku jiraan wax yaabo xaaraan ahi, waxa ka sugnaatay Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam, inuu u soo baxay maalin asxaabtiisii, isagoo gacmihiisa midna ku sida xariir midna ku sida dahab wuxuuna yidhi: [أخرجه الحاكم وصححه] ((هذان حرام على ذكور أمتي حلٌ لإناثهم )) ((labadatanu waa ka xaraan laboodka ummadayda, waana u xalaal dhedigeeda)).

Xadiithyada macnahoodu sidaas oo kale yahay waa fara badan yihiin, ee lagu yaqaano Labada saxeex iyo kuwa keleba. Intaa waxaa dheer tusaalayaasha faraha badan, ee ay yaqaaniin kuwa ehelka u ah cilmiga xadiithka iyo fiqiga.

Arimaha aan soo sheegnay, waxa inoo ku cadaanaya walaalayaal ahmiyada uu Sunnuhu u leeyahay Tashriicda Islaamka, hadii aan ku noqono tusaalayaashii aan soo sheegnay iyo kuwo kaleba oo aynaan soo sheeginba, waxaan yaqiinsanaynaa inaanu jirin dariiqa kale oo lagu fahmo Quraanka, faham saxeex ah, ilaa iyadoo loo kaashado sunnaha mooyee.

Tusaalihii kowaad: Asxaabtii redwaanu Allaah calayhim, waxay u fahmeen dulmiga lagu sheegay Aayada sida daahirka ah, iyadoo ay ahaayeen radiya Allaahu canhum siduu yidh Ibin Mascuud: (kuwii ugu fadliga badnaa ummadan, uguna qalbi wanaagsanaa, uguna cilmiga badnaa, uguna iskalifaad yaraa.) iyadoo ay sidaas tahay, ayay hadana ku qaldameen fahamka kelmedaasi, hadaanu Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam ka celin qaldkoodii, oo ku hanuunin sida saxa ah, ee looga jeedo kelmeda dulmi, ee la soo sheegay inay tahay shirkiga , inana waan ku raaci lahayn qaldkooda, hase yeeshee Allaah tabaaraka wa tacaalaa ayaa taa inaga celiyey, fadliga hanuuntiisa sala Allaahu calayhi wasalam iyo sunnihiisii.

Tusaalaha labaadna: hadaanu jirin Xadiithkaa aan soo sheegnay, waxaan ku sugnaan lahayn kuwa ka shakisan ugu yaraan soo gaabinta salaada, markaan safarka nahay ee ay jirto nabad gelyadu, hadaynaanba gaadhsiin inaan shuruud uga dhigno baqdinta, sida ay tahay daahirka Aayadu iyo sidii ay la noqotay asxaabtii qaarkood, hadaanay arki lahayn Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam oo soo gaabinaya, ayna la soo gaabinayaan, iyagoo nabad gelyo jooga.

Tusaalaha saddexaadna: hadaanu jirin Xadiithkaasu, waxan iska xarimi lahayn, waxayaabo wanaagsan oo laynoo xalaaleeyey sida: Ayaxa, Kaluunka, Beerka iyo ganaca.

Tusaalaha afaraadna: hadaanay jirin Xadiithyadan aan soo sheegnay qaarkood, waxaan xalaalaysan lahayn wuxuu Allaah inagaga xarimay qowlka Nebigiisa sala Allaahu calayhi wasalam, ee ah wixii miciyo leh ee Habardugaag ah, iyo wixii cidiyaha adag ee ay wax ku dilaan leh, oo Shimbiro ah.

Tusaalaha shanaadna: sidoo kale hadaanay jirin xadiithyadaasu, waxan xalaalaysan lahayn wixii Allaah inagaga xarimay qowlka Rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam, oo ah dahabka iyo xariirta, halkan waxay yidhaahdeen Salafka qaarkood: Sunnuhu wuxu xukumaa Kitaabka.

Lunsanaanta kuwa Quraanka kaga maarmay Sunnaha: -

Waxa ah wax aad looga xumaado, inay jiraan qaar fasirayaal Quraanka ah iyo Qorayaal casri ah, inay gaadheen inay baneeyaan waxaan ku soo sheegnay labadii tusaale ee ugu dambeeyey, waxay baneeyeen in la cuno Habardugaag iyo Shimbiraha oo dhan, iyo xidhashada dahabka iyo xariirta, iyagoo kaashanaya Quraanka oo keli ah, bal waxa jira waqtigan aan joogno, koox isku magcawday Quraaniyiin, waxay u fasirtaan Quraanka siday hawadoodu doonto iyo caqliyadoodu, iyaga oo aan kaashanayn sunnaha saxeexa

 ah, bal sunnuhu wuxuu yahay xagooda inuu hawadooda raaco, wixii ka waafaqa hawadoodu way ku dhegayaan, wixii aan ka waafiqin hawadoodana, dhabarkooda ayey ka tuurayaan. Nebigiibaa sala Allaahu calayhi wasalam, ayaa tilmaamay kuwaas oo wuxuu ku yidhi xadiith saxeex ah: ((لا ألفين أحدكم متكئا على أريكته يأتيه الأمر من أمري مما أمرت به أونهيت عنه فيقول: لا أدري ما وجدنا في كتاب الله أتبعناه(رواه الترمدي)وفي رواية لغيره:(ما وجدنا فيه حراما حرمناه ألا وإني أتيت القرآن ومثله معه)وفي أخري:(ألا إن ما حرم رسول الله مثل ما حرم الله).))

((Waxaa dhici doonta in midkiin isagoo ku tingiiga sariirtiisa ama kursigiisa, ayaa waxa u iman doona amar amaradayda ka mid ah, oo ah wixii aan amray ama aan nahyiyey, wuxuu odhan: ma garanayo, waxaan ka helo Kitaabka Allaah waanu raaci.)) Werin kalena wuxuu yidhi: ((waxaanu ka helo oo xaaraam ah waanu xarami, allaa waxa lay keenay (lay soo dejiyey) Quraanka iyo isaga oo kale, oo la socda (waa Sunnaha) )) werin kalena wuxuu yidhi: ((allaa wixii uu Rasuulka Allaah xarimay, waxay la mid tahay wuxuu Allaah xarimay)).

Bal waxa ah wax aad looga xumaado, in qaar ka mid ah qorayaalka sharafta leh uu alifay Kitaab Shareecada Islaamka iyo Caqiidadeeda ah, wuxuna ku sheegay hordhaca Kitaabkiisa inuu isagu alifay, oo aanu lahayn wax Maraajic ah, oo aan ahayn Quraanka. Hadaba xadiithka saxeexa ahi wuxuu ina tusinayaa daliil qaadic ah, inaanay Shareecada Islaamku ahayn Quraanka oo keli ah, ee ay tahay Quraan iyo Sunnah, ruuxii qabsada midkood, oo iskaga taga kan kale, midkoodna ma qabsan, waayo midkood waliba

Wuxuu amrayaa in la qabsado kan kalena, siduu yidhi subxaanahu wa tacaalaa: [النساء:80]{من يطع الرسول فقد أطاع الله} {qofkii adeeca Rasuulka, wuxuu adeecay Allaah}. Wuxuu kaloo yidhi: {فلا وربك لايؤمنون حتى يحكموك فيما شجر بينهم ثم لايجدوا في أنفسهم حرجاً مماقضيت ويسلموا تسليماً [النساء:65]} {Rabigaaga baan ku dhaartay ee, may rumayn ilaa ay ku xukumtaan wixii dhex mara, oo aanay naftoodu dhibsan wixii aad ku xukumtay, isna dhibaan dhiibitaan}. Wuxuu kaloo yidhi: {وما كان لمؤمن ولامؤمنة إذا قضى الله ورسوله أمراً أن يكون لهم الخيرة من أمرهم ومن يعص الله ورسوله فقد ضل ضلالاً مبيتاً [الأحزاب:36]} {maaha mu’min iyo mu’minad

 Toona, hadii Allaah iyo Rusuulkiisu ay xukumaan arin inay u yeeshaan ikhtiyaar arintooda, qofkii caasiya Allaah iyo Rasuulkiisana, wuu lumay lumitaan cad}. Wuxuu kaloo yidhi: {ومآ أتاكم الرسول فخذوه وما نهاكم عنه فانتهوا [الحشر:7]} {wixii uu idiin la yimaado (ama idin faro) Rasuulku qaata, wixii uu idinka nahyiyona ka joogsada (ama iska daaya) }.Aayadatan waxa I cajebiyey hadal ka sugnaaday Ibin Mascuud radiya Allaahu canhu, oo ah inay qof dumar ahi u timid oo ku tidhi: maadigaa yidhi Allaah baa lacnaday kuwa

Suuniyahood qor qora, iyo kuwa u qorqora, iyo kuwa jidhkooda wax ku sawira, iyo kuwa ugu sawira… Xadiithka? ((لعن الله النامصات والمتنمصات والواشمات..... الحديث)) wuxuu ku yidhi haa, waxay tidhi waxaan aqriyey Kitaabka Allaah bilowgiisa ilaa iyo dhamaadkiisa kamaan helin waxaad sheegaysid, wuxuu ku yidhi hadaad aqriday waad ka heshay, miyaanad aqriyin qowlka Allaah ee ah: {ومآ أتاكم الرسول فخذوه ومانهاكم عنه فانتهوا} waxay tidhi haa waan aqriyey, dabadeedna wuxu ku yidhi, waxaan maqlay Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam oo leh: ((لعن الله النامصات والمتنمصات والواشمات.... الحديث [متفق عليه])) .

Inaanay ku filayn in Luqada lagu fahmo Quraanka: -

Waxaynu soo sheegnay oo dhan, waxaa muuqata inay cadaan tahay inaanay u suuroobayn, si kasta oo uu u yahay caalim luqada carabida iyo aadaabteeda, inuu fahmo Quraanka isaga oo aan la kaashan Sunnaha Nebiga sala Allaah calayhi wasalam, ee qowlka iyo ficilka ah, waayo ma aha mid ka badiya luqada asxaabtii Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam, ee Quraanku ku soo degay luqadoodii, oo aanay ku khaldamin wax luqad cajemi ahi, ama laghadaha caamka ah (siday maanta tahay luqada carabidu), hadana

Iyadoo ay sidaas tahay, ayay ku qaldameen fahmka Aayadihii aan soo sheegnay, markay ictimaadeen luqadoodii oo keli ah. Sidaas darteed baa waxa layska garan karaa in qofka caalimka ku ah sunnuhu, ka fahmi ogyahay Quraanka iyo Axkaam ka soo saaristiisa, kan ka jaahilka ah. Bal markay sidaas tahay maxaad u malayn kan aan ictimaadinba, amaba aan eegin gebigiisaba?! Sidaa awgeed waxay ahayd qaaciidooyin ay isku waafaqsan yihiin ehelka cilmigu, in Quraanka lagu fasiro Quraan iyo Sunnah ugu

Horayn, dabadeedna hadalkii asxaabta. Sidaas waxa inoogu muuqata lunsanaanta culimada hadalka, kuwa hore iyo kuwa dambeba, iyo inay ku khilaafsan yihiin salafkii rediya Allaahu canhum, xaga caqaa’idkooda iyo axkaamtoodaba, taana waxa keenay ka fogaanshahooda sunnaha iyo aqoontiisa, iyo iyagoo ku xukumtay caqliyadooda iyo hawooyinkooda Aayatdaha Sifaatka iwm. Maxaa ka wanaagsan hadalkan ku yimid sharaxa caqiidatul Aldaxaawiyah safxada213 daabacada afraad, oo ah: (sidee buu uga

 Hadli karaa usuulka diinta, mid aan ka qaadan kitaabka iyo sunnaha, ee ka qaatay qowlkii hebel?! Haduu ku andacoodona inuu ka qaatay kitaabka Allaahna subxaanahu wa tacaalaa, aan ka qaadan tafsiirka kitaabka Allaah xadiisyada Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam, oo aan eeginba waxay yidhaahdeen asxaabtii iyo taabiciyiintoodii wanaaga ku raacay, ee ay inoo ka soo guuriyeen kuwa lagu kalsoon yahay, oo ay doortaan culimada Nuqaadka ahi. culimadaasu inoogama soo guurin nidaamyada Quraanka oo keli

Ah, bal waxay inoo soo guuriyeen nadaamkiisa iyo macnihiisaba, uma aanay baranjirin Quraanka sida caruurtu u barato, bal waxay baranjireen macnihiisa, ninkii aan dariiqadoodii marinina waa mid ku hadlaaya ra’yigiisa, kan ku hadlaaya ra’yigiisuna iyo waxa uu u malaynaayo inay Diintii Allaah tahay, oo aan ka qaadan kitaabka iyo sunnaha, wuu dembaabay hadii uu xataa asiibo ama sax noqdo, kan ka qaata kitaabka Allaah iyo sunnuhuna, wuxu leeyahay ajar xataa haduu qaldamo, laakiin haduu asiibo ajarkiisu

 Waa labanlaab. Wuxu hadana yiri safxada 217 waajib waxa ah isu dhiibtaan dhan Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam, iyo u hogaansanaan amarkiisa, iyo inaad kula kacdo khabarkiisa aqbilaad iyo rumayn, inagoo aan ku caaridin khiyaal baadil ah, oo aan ku magcawno caqli gal, ama aan xambaarino shubhado ama shaki, oo aan ka hor marino ra’yiga raga, iyo waxa xun ee dihnigooda ku jira. Waa inaan ku keliyeynaa sala Allaahu calayhi wasalam xukumka iyo isu dhiibitaanka …….. Sidaan ku keliyeynay soo

 Diraha subxaanahu watacaalaa cibaadada………… isudulaynta ………. Iyo tawakulida.). Hadalkii oo dhan: waxa waajib ku ah Muslimiinta dhamaan, inaanay kala soocin Quraanka iyo sunnaha, ee ay wajib tahay in la wada qaato, tashriicdna lagu dhiso labadoodaba, kaas ayaa damaan u ah inaanay u liicin midig iyo bidix, ama dib ugu noqon baadinimadii, siduu ku cadeeyey Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam qowlkiisa ah: ((تركت فيكم أمرين لن تضلوا ماإن تمسكتم بهما: كتاب الله وسنتي ولن يتفرقا حتى يردا علي الحوض [رواه مالك بلاغاً والحاكم موصلا بإسناد حسن])) ((waxaan idiinka tegey laba arin, oo aydaan lumayn hadaad qabsataan:

 Kitaabka Allaah iyo Sunnahayga, kalana tegi maayaan ilaa laygu soo celiyo xoodka )) waa inaynaan odhan sida ku shaaca noqotay kuwa badan oo Ehelka Cilmiga ah: Quraanka waxa lagu fasiraa Quraan hadii la waayona sunnaha, sida soo socata ee aan ku cadayn doono risaaladan aakhirkeeda, markaan ka hadli doono Xadiithka Mucaad Bin Jabel radiya Allaahu canhu.

Baraarujin: -

Waxa iska muuqata intaa dabadeed in aan nidhaahno, sunnaha ahmiyadaa leh xaga tashriicda, waa sunnaha kaga sugnaaday Nebigii sala Allaah calayhi wasalam, dariiqooyinka cilmiga ah iyo sanadyada saxeexa ah, ee ay yaqaaniin kuwa ehelka u ah cilmiga Xadiithka iyo ragiisa, ee maaha kan ku jira caloosha kutubta kala duwan ee tafsiirka, fiqiga, tarqiib iyo tarhiibka, raqaa’iqga iyo mawaacidka iwm, waayo kuwaa waxa ku jira wax badan oo daciif, munkar iyo mawduucba ah, qaarkoodna uu ka yahay Islaamku barii, sida Xadiithka Haaruut wa Maaruut iyo Qisat alqaraaniiq, waxan ka qoray risaalat khaas ah oo aan ku cadaynaayo baadilnimadooda, wayna daabacantahay.

Waxan ku soo saaray koox wayn oo xadiithyadaa ah, kitaabkayga balaadhan ee la yidhaahdo: (سـلسـة الأحاديث الضعيفة والموضوعة واثرها السيئ في الأمة) (Silsilatu alaxaadiis adaciifah walmawduucah, wa atharuhaa aseyi fi alummah), waxay gaadhay tiradoodu ilaa hada ku dhowaad afar kun oo xadiith, waxayna u dhexaysaa daciif iyo mawduuc, waxa la daabacay shan ka mid ah oo keliya. Hadaba waxa waajib ku ah

 Kuwa cilmiga ehelka u ah, siiba kuwa ku fidiya dadka dhexdooda Fiqigooda iyo Fatwadahooda, inaanay ku dheerayn inay ku xujaystaan Xadiithka, ilaa laga hubsanayo inuu ka sugnaaday Rasuulkii calayhi salaatu wasalaam, waayo kutubta fiqiga ah ee ay muraajicayaan caada ahaan, waxa ka buuxa xadiithyo aan waxba ka jirin oo munkar ah, iyo kuwa aan asalba lahayn siday yaqaaniin culimadu.

Waxaan bilaabay mashruuc muhim ah sidaan u arko, waana mid aad nafci ugu leh kuwa ka shaqaya fiqiga, waxaan ku magcaabay: (الأحاديث الضعيفة والموضوعة في أمهات الكتب الفقهية) (alaxaadiith adaciifah walmowduucah fii umuhaat alkutub alfiqihiyah), waxana ula jeedaa kuwan:

  • الهداية للمرغنياتي في الفقه الحنفي
  • المدونة لإبن القاسم في الفقه المالكي
  • شرح الوجيز للرافعي في الفقه الشافعي
  • المغني لإبن قدامة في الفقه الحنبلي
  • بداية المجتهد لإبن رشد الأندلسى في الفقه المقارن

Hase yeeshee waxan ka xumahay inaanu ii dhamaan weli, waayo Majalada la yidhaahdo (الوعي الإسلامي الكويتيه) (alwacyi alislaami oo kuwayti ah) oo ku balan qaaday inay daabacayaan, oo aad u soo dhowayey Fekredda markaan tusay ayaan daabicin.

Haday taasu I dhaafto, InshaaAllaah waxan ku guulaysan in aan waqti kale, aan u sameeyo walaalhayga ku hawlan fiqiga manhaj cilmi ah, oo sugan, oo ka saacida oo u hawl yareeya dariiqa aqoonta derejada xadiithka, iyo ku noqoshada masdarada ay tahay ku noqoshadeedu lagama maarmaanka, ee ah Kutubta xadiithka, iyo cadaynta khusuusiyaadkooda, iyo waxay ku kala duwanyihiin, iyo wixii ay suurta gal tahay in laga ictimaado, Allaahu tacaalaa baa waafajint haya. Magaceeda waxa la yiraahdaa: (نصب المجانيق في نسف قصة الغرانيق) waxa daabacay: (المكتب الإسلامي), tiradoodu hada waxay gaadhay shankun, inta kalena waxan rajaynayaa in Allaah ii fududayo daabacaadeeda dhowaan.

Daciifnimada xadiiska mucaad xaga ra’yiga iyo waxa lagu inkirayo: -

Intaanan dhamayn kelmedaydan, waxaan arkaa inay tahay laabud inaan idin dareensiiyo dhamaan Walaalaha halkan isugu yimid, in xadiithka caanka ah, ee ay yartahay inuu ka madhnaado kitaab ka mid ah kutubta usuulka fiqiga, uu yahay xadiith daciif ah xaga sanadka, iyo ka hor imaanshahiisa waxaynu ku soo sheegnay kelmedaydatan, oo ah inaanay banaanayn in la kala sooco xaga tashriicda Quraanka iyo sunnaha, iyo inay waajib tahay in la wada qaato, waana xadiithka Mucaad Bin Jebel radiya Allaahu

Canhu, in Nebigu uu ku yidhi, markuu u diray Yaman: ((بم تحكم؟ قال: بكتاب الله قال: فإن لم تجد؟ قال: بسنة رسول الله قال: فإن لم تجد؟ قال: أجتهد رأي ولا ألو. قال: الحمد لله الذى وفق رسول رسول الله لما يحب رسول الله)) (( maxaad ku xukumi? Wuxuu yidhi: Kitaabka Allaah, wuxuu yidhi hadaadan ka helina? Wuxuu yidhi: sunnaha Rasuulka Allaah, wuxuu yidhi: hadaadan ka helina? Wuxuu yidhi: waan ijtihaadi ra’yigayga kamana leexanayo jidka, wuxu yidhi: alxamdulilaahi, Allaahii waafajiyey Rasuulkii Rasuulka Allaah, wixii uu jeclaa Rasuulka Allaah)).

Hadaba daciifnimada sanadkiisa hada waqti uma hayno aan ku cadayno, waxaana ku cadeeyey Silsiladii aan soo sheegnay, cadayn shaafi ah oo aanan ku samayn Silsiladii hore, waxase igaga filan hada, in aan sheego in Amiir Almu’miniinkii Xadiithyadu, Iimaam Albukhaari Allaahu tacaalaa ha u naxariistee, uu yidhi xadiithkaa waa xadiith munkar ah, taas dabadeed, waxa ii banaan in aan sharci gareeyo, is khilaafsanaanta aan hore u soo sheegay, waxana leeyahay xadiithka Mucaad wuxuu u dhigayaa xaakimka

 Manhaj, uu wax ku xukumo, oo ah saddex marxaladood, oo ah inaanay banaanayn in uu baadho ra’yi ilaa uu ka waayo Sunnaha, Sunnahana ilaa uu ka waayo Quraanka, dhinaca ra’yiga, waa manhaj sax ah xaga culimada dhamaantood, sidaas darteed ayey waxay yidhaahdeen: (إذا ورد الأثر بطل النطر) (hadii Sunnuhu soo arooro waxa baaba Ri’yiga). Hase yeeshee xaga Sunnaha sax maaha, waayo Sunnuhu isaga xukuma Kitaabka Allaah oo cadeeya. Markaa waxa waajib ah, in uu xukumka ka baadho sunnaha, xataa haduu u

Malaynaayo inuu ka helaayo Kitaabka Allaah, sidaan soo sheegnay, maaha sunnaha iyo Quraanku, sida sunnaha iyo ra’yiga, maya oo maya, bal waxa waajib ah in loo ictibaaro Kitaabka iyo sunnaha masdar keli ah, oo aan la kala fadilin weligeed, siduu inoo tilmaamay oo ah qowlkiisa sala Allaahu calayhi wasalam: (ألا إني أتيت القرآن ومثله معه ), macnuhu waa Sunnaha. Qowlkiisana: (لن يتفرقا حتى يردا علي الحوض). Markaa

Siduu xadiithku sifeeyey maaha mid sax ah, waayo wuu kala soocayaa Quraanka iyo sunnaha, taasna waa baadil sidaan soo sheegnay. Intaas ayaan doonaayey inaan idin xusuusiyo, hadaan asiibo xaga Allaah bay ka timid, hadii aan gefona waa xaga naftayda, Allaahu tacaalaa waxaan weydiisanayaa inuu naga ilaaliyo iyo idinkaba gefka iyo wax kasta oo aanu raali ka ahayn.

Halkaas ayuu ku dhamaaday hadalkii shiikhu Allaah ha u naxariistee, qofkii ka hela qoraalkan wax qalad ah, ha ahaato xaga macnaha, madbacada iwm ee, fadlan waa inaad saxdaa, anuna nala socdsiisa, Allaahu subxaanu wa tacaalaa haynoo hagaajiyo amuuraheena oo dhan dunida iyo aakhiroba. Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu

 

Turjumadii: Ciise Maxamuud Aadam

almutawaadic@live.com

 

 

 

webmaster@ceegaag.com