shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta booqasho shaqo ku yimid magaalada Muqdisho

(Muqdisho, Aug 16,  2011 Ceegaag Online)

Dhagayso Kalmadii Madaxwayne Geele Dhagayso

Mudane Imaaciil Cumar Geelle oo shir jaraa’id ku qabtay safaaradda Jabuuti ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax indhihiisa aanay qaban karin uu ku soo arkay xerada Badbaado iyo isbitaalka Banaadir, isagoona baaq u diray beesha caalamka iyo dalalka Islaamka.

“Maanta shucuurtayda aad ayey u kacsan tahay, Muqdisho runtii waxaa iigu dambaysay 1988-dii, sidaan ku ogaa way noqon waysay labaatankii sano oo ay soo jiitamaysayna waan ka xumahay ” ayuu yiri Mudane Geelle.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa deeq ka kooban dawo iyo boorash nafaqaysan waxa uu ku wareejiyey dowladda KMG ah si loogu caawiyo dadka dhibaataysan oo ay saameynta ku yeelatay abaarta.

Wafdiga madaxweyne Geelle ayaa duhurnimadii dib uga dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kadib dhowr saacadood oo ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.

 

 

 

webmaster@ceegaag.com