shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaamacadda Nugaal  oo shir uqabatay Dhalinyarada Sportiga ee G/sool   agab Sport tina gudoonsiisay

(Laascaanod, Aug 28,  2011 Ceegaag Online)

                                     

Waxa maanta ka dhacay hoolka shirarka ee Jaamacadda Nugaal, magaalada laascaanood shir aad u balaadhan oo ay kasoo qayb galeen isuduwaha sport ga gobolka sool Jaamac khaliif ,Gudoomiyaha Jaamacadda Nugaal Pro:Abdirizak Mohamed Aadan (lafoole) ,Gudoomiye kuxigeenka Jaamacadda Nugaal  Abdinaasir Mohamed Bare (Abusheybe) ,ururka midowga jaamacadda Nugaal University Student Union (Nusu) ,dhalinyarada kooxaha Sport ga ee ka dhisan magaalada laascaanood  maamulayaasha dugsiyada sare ee magaalada Laascaanood iyo qaybo ka mid ah dad waynaha ku deegaanka

Kulankan oo ay soo abaabuleen Maamulka Jaamacadda Nugaal ayaa u jeedadiisu ahayd  sidii kor loogu  qaadi lahaa tayada Sport ga ee gobolka sool iyo sidii loogu wacyi galin lahaa dhalinyarada gobalka inaan ciyaaruhu  marnaba ka mashquulin  inay sii wataan waxbarashada.

Kulanka  oo uu xidhiidhiye ka ahaa isuduwaha Sportiga gobolka sool Jaama Khalif, dadkii ka hadlay madashada waxa ka mid ahaa: Gudoomiyaha Jaamacadda Nugaal,  Maamulaha dugsiga sare ee Nugaal Secondary School , gudoomiyaha midowga ardayda Jaamacadda, kabtanka ciyaaraha, qaar ka mid ah dhalinyardii sportiga iyo qaar ka mid ah dad waynihii ka soo qayb galay kulanka.

Dulucda hadaladii goobta laga soo jeediyey ayaa waxay ku soo biyo shubanaysay:

·         Mahadnaq balaadhan oo goobta looga soo jeediyey Dr. Ahmed Madar oo suuragaliyey inuu gobalka soo gaadhsiiyo agabkii ugu badnaa dhanka sportiga ee gobalku helo intii mudo ahayd.

·         Wax isna mahad midaas la mid ah madasha looga soo jeediyey Mustafe Mohamed oo ah muwaadinkii sameeyey xidhiidhka ay yeesheen maamulka Jaamacadda iyo Dr. Ahmed Madar oo deegaanka soo gaadhsiiyey deeqdan iyada ah.

·         In dhalinyaradu ay isku wadaan sportiga iyo waxbarashada

·         In la ilaaliyo anshaxa ciyaaraha

·         Inaan waqtiga oo dhan la gelin ciyaar kaliya ee waxbarashada iyo horumarka deegaanka laga qayb qaato.

·         Iyo arimo kale oo muhiim u leh dhalinyarada. 

Gudomiyaha Jaamacadda Nugaal Pro. Abdirisaq Mohamed Aaden (Lafoole)

 

Isuduwaha Sport ga Gobolka Sool Jaamac Khaliif

 

Gudoomiyaha Midowaga Ardayda Jamacadda Nugaal Shaafici Abdi

Dhanka kale waxaa manta halkaa lagu godoonsiiyay  kubado uu soo gaadhsiiyay Jaamacadda Nugaal  mid ka mid ah qurba joogta u dhalatay wadanka  oo kunool  dalka Norwey oo magaciisa layiraahdo Dr:Ahmed Madar Ali   ,Ahmed dhakhtar ka shaqeeya dalka Norwey,  ahna nin Sportiga xiiseeya ayaa waxa uu soo gaadhsiiyay Jaamacadaa Nugaal deeq kubado ah oo uu ugu tala galay in kor loogu soo qaado tayada dhalinyarada Sportiga ee gobolka Sool.

Jaamac Khaliif oo ah isu duwaha sportiga ee gobalka iyo maamulka jaamacadda Nugaal iyo maamulka dugsiyada sare ayaa si wadajir ah halkaas ugu gudoonsiyey dhalinyarada gobalka ee heerka (Sera A & Sera B)  9 kooxood oo ka jira gobalka Sool magaalo madaxdiisa Laascaanood, waxayna kala ahaayeen kooxahaasi sida hoos ku qoran:

·         Nugaal University Team

·         Lesco Team

·         Mubaarik Pharmacy Team

·         Star Team

·         Opec Team

·         Bayar Team

·         Kaah Team

·         Telesom Team

·         Gol Khaatumo Team

Sidoo kale waxa agab sport oo ku badahaas ka mid  la gudoonsiiyay sadexda Secondary ee kuyaal magaalada laascaanood ee Muuse yuusuf Secondry,Ilays Secondary  School  iyo Nugaal Secondary School, waxana u gudoomay Maamulaha Dugsiga sare ee Nugaal Secondary School  Caaqil Abdinaasir iidle

Dhanka kale waxa uu gudoomiyuhu gudoonsiyay 9 kubad oo uu u gudoomay gudoomiyah Midowga aradayda Jaamacadda Nugaal Shaafi Abdi Saleban. Iskuuladaasna waxa ka mid ahaa: Magaalada Iskuulka sare ee Boocame,Taleex,Xudun,Yagoori,Kalabaydh,Widh widh, iyo Goboka Buuhodle oo iyana Laba Secondry kuyaalaan.

 

Waxa iyana xusid mudan in halkaas lagu gudoonsiiyey kubad, xubin ka socotay bahda naafada ee gobalka Laascaanood.

Isku soo wada duuboo Jaamacadda Nugaal ayaa iyada ah mid had iyo goor u taagan sidii ay kor ugu soo qaadi lahayd  horumarka  bulshada kudhaqan gobolka Sool iyo nawaaxigiisa qaybaheeda kaladuwan. 

Daawo Sawiradii Xaflada:

Daawo Video-ga

 

 

 

 

webmaster@ceegaag.com