shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaamacadda Muqdisho oo Zakaatul Fidri gaarsiisay barakacayaasha ku jira xeryaha ku yaalla Muqdisho

(Muqdisho, Aug 31,  2011 Ceegaag Online)

Guddiga gurmadka abaaraha Jaamacadda Muqdisho ayaa u qaybisay  Zakaatul-fidri qoysas gaaraya 300-qoys oo ka mid ah barakacayaasha ku jira xeryaha Muqdisho.

 Dhaqaalaha loo qaybiyay qoysaskan barakacayaasha ah ayaa waxaa ku jirtay sadaqo furan oo ay soo dhiibeen dad Soomaaliyeed oo dalka dibaddiisa ku nool.

 Madaxa guddiga gargaarka Jaamacadda Muqdisho Dr Max'ed Xuseen Ciise (Liibaan) ayaa u mahadceliyay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku tabarucay deeqdan iyo xarumaha islaamiga ah ee kala ah: jaaliyadda Soomaaliyeed ee Escar - Norway, jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ohio-Columbus - USA, jaaliyadda Soomaaliyeed ee Motalah ee Sweden, xarunta iskaashiga Islaamka ee Oslo-Norway, masjidka Pegen ee dalka Norway iyo masjidka raabidada Islaamka ee Gotenberg - Sweden.
 

 Qoysaska loo qaybiyay deeqdan ayaa waxay isugu jireen haween, waayeel iyo dhalliyaro kuwasaoo isugu jiray dadkii abaaraha awgood uga soo baracay gobollada Koonfurta Soomaaliya iyo kuwo ku dhibaateysan Muqdisho.
 

 Goobaha deeqdan laga qaybiyay ayaa waxay ku yaalla degmooyinka Howlwadaag, gaar ahaan Sayidka hoostiisa iyo xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir. Iyadoo qoys walba uu helay 50-dollar oo u dhiganta 1500,000 oo shillin Soomaali ah.
 
Guddiga gurmadka abaaraha ee jaamacadda Muqdisho ayaa ku howlan sidii  gurmad loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan ee ay abaaruhu ku habsadeen, iyagoo deeqo kala duwan gaarsiiyay in ka badan 10,000 oo  qoys oo ku jira kaamamka Muqdisho iyo xeryaha qoxootiga Soomaalida ee dalka Kenya.


 

Cabdinaasir Yuusuf Macalin

cnaasir114@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

webmaster@ceegaag.com