shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaamacadda Muqdisho oo kaalinta 29-aad ka gashay 30-ka Jaamacadood ee ugu horreeya Qaaradda Afrika
 

(Muqdisho, Aug 28,  2011 Ceegaag Online)


Jaamacadda Muqdisho oo ka mid ah jaamacadaha dalka Soomaaliya ayaa qiimeyn la sameeyay waxay kaalinta 29-aad ka gashay jaamacadaha ugu horreeya Qaaradda Afrika.

Munaasabad lagu maamuusayay arrintan ayaa waxay shalay ka dhacday xarunta Jaamacadda Muqdisho waxaana halkaas ka hadlay guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar, isagoo ka shekeeyay marxaladihii ay soo martay jaamacadda Muqdisho.


 "Jaamacaddu waxay ku dhisan tahay boqolaal qof oo is-dhaarsaday, oo go'aankoodu uu yahay sidii ay u billaabeen inay arrin kasta uga miro-dhaliyaan," ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho.

 Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in sharafta u soo hoyatay Jaamacadda Muqdisho ay iska leeyihiin shaqaalaheeda, maamulkeeda, macallimiinteeda iyo bulshada Soomaaliyeed.

 "In Jaamacadda Muqdisho ay kaalinta 29-aad gasho waxaa sababay inay bulshada Soomaaliyeed la fal-gasho, tabantaabiso oo aysan ku ekaan oo keliya waxbarashada," ayuu Dr. Cali Sheekh Axmed hadalkiisa raaciyay.

Guddoomiyuhu wuxuu intaas in 15-kii sano ee lasoo dhaafay ay Jaamacaddu ay wadday horumarin dhinacyo badan leh, isgaoo sheegay inay xubin ka tirsan lix urur oo ku bahoobay jaamacadoda gaaraya 1,000 oo dunida ka jira.

"Jaamacaddu waxday xiriir la leedahay oo ay isla wadaan daraasadda sare dhowr jaamacadood oo ay ka mid yihiin: Ummu-durmaan Islaamiya - Sudan, Open University of Malaysia oo ay ka qalin-jabiyeen dufcaddii labaad oo iyagoo dalka ku sugan wax ka barta jaamacaddaas.

Kaalinta koowaad ee jaamacadaha Afrika waxaa gashay jaamacad ku taalla dalka Koonfur Afrika, halka ay kaalinta labaad gashay jaamacad ku taalla dalka Masar, waxaana sidoo kale kaalimo sare galay jaamacado ku yaalla dalalka Kenya, Uganda iyo Itoobiya oo ku yaalla bariga Afrika.

Jaamacadda Muqdisho ayaa waxay kaalimo kala duwan kasoo gashay heerarka jaamacadaha Afrika, iyadoo mar ku jirtay kaalinta 40-aad iyo kaalimo kale, iyadoo tani ay muujinayso horumarka ay sameynaysoJaamacadda.

                        

 

Cabdinaasir Yuusuf Macalin

cnaasir114@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

 

webmaster@ceegaag.com