shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaamacadda Muqdisho oo gargaar kala duwan siisay 500 oo qoys oo ka mid ah barakacayaasha abaaraha

(Muqdisho, Aug 09,  2011 Ceegaag Online)

Guddiga gurmadka abaaraha ee Jaamacadda Muqdish ayaa maanta oo Talaado ah gargaar kala duwan u qaybisay 500 oo qoys oo ka mid ah dadkii kasoo barakacay abaaraha ku dhuftay gobollada Koonfurta dalka Soomaaliya.
Gargaarkan oo isugu jiray caano, daawo, dhar iyo timir ayaa waxaa loo qaybiyay dad ku jira kaam ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Gargaarkan ayaa qayb ka noqonaya gargaarro uu guddigan u horay uga qaybiyay kaamam ku yaalla Muqdisho.


Madaxa guddiga gurmadka Jaamacadda Muqdisho ahna diiwaan hayaha jaamacadd Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) oo warbaahinta la hadlay markii bixinta deeqda ay dhammaatay ayaa sheegay in gargaarkan uu yahay mid ay iska soo ururiyeen ardayda jaamacadda, macallimiinta, maamulka iyo saaxiibbada jaamacadda Muqdisho.
"Kaalmadan waa mid ka duwan kaalmooyinkii aanu horay u bixin jirnay. Waayo waa gargaar ay iska soo ururiyeen maamulka, macallimiinta, saaxiibbada iyo ardayda jaamacadda Muqdisho, runtiina waa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday," ayuu yiri Dr. Liibaan.


"Gargaarka waxaa ku jiray caano aan ugu talogalay in lagu soo celiyo nafaqada caruurta iyo hooyada nuujinaysa, waxayna ahaayeen caano nafaqeysan," ayuu ku daray hadalkiis Dr. Liibaan oo sharraxayay noocyada kaalmada ay bixiyeen.


Dhinaca kale, madaxa guddigu wuxuu sheegay in dawada ay qaybiyeen ay ugu talogaleen in lagula dagaallamo cudurrada faafa, isagoo sidoo kale sheegay in dharka ay ugu talogaleen in dadka barakacayaasha ay xirtaan maadaama aysan haysan dhar wanaagsan.


Qoysaskii gargaarka loo qaybiyay ayaa waxay u mahadceliyeen maamulka, ardayda iyo macallimiinta jaamacadda Muqdisho, iyagoo sheegay in gargaarka loo qaybiyay uu yahay mid lagu soo beegay xilli ay u baahnaayeen.
Guddiga gurmadka deg-degga ah ee Jaamacadda Muqdisho oo la aasaasay bishii July ee aynu soo dhaafnay ayaa dhowr jeer oo hore kaalmooyin ka bixiyay kaamam ku yaalla Muqdisho, kuwaasoo ay ku jiraan dad kasoo barakacay abaaraha dalka ku dhuftay.
 

Jaamacadda Muqdisho ayaa horay uga qaybqaadatay gargaarro lagu badbaadiyay dadka Soomaaliyeed, waxaana tusaale u noqon kara biyo-baxadii 2006 ka dhacday gobollada Koonfurta Soomaaliya. Iyadoo jaamacaddu ay u mahadcelisay dhammaan jaaliyadihii Soomaaliyeed ee ka qaybqaatay kaalmeynta dadka Soomaaliyeed.

Daawo Sawiradii Hawsha

C/naasir Yuusuf Macalin

cnaasir114@hotmail.com

muqdisha Somalia

 

webmaster@ceegaag.com