shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaamacadda Muqdisho oo deeq kala duwan gaarsiisay Barakacayaal ku jira xeryaha Magaalada Muqdisho
 

(Muqdisho, Aug 23,  2011 Ceegaag Online)

Guddiga gurmad abaaraha ee Jaamacadda Muqdisho ayaa gaarsiiyay barakacayaal ku jira xeryaha magaalada Muqdisho deeq isugu jirtay bur, bariis, caano, timir, saliid, dhar iyo daawo.

Deeqdan oo ahayd mid ay iska soo ururiyeen ardayda, macallimiinta, maamulka iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa qaarkood, kuwaasoo dhibka haysata walaalahooda Soomaaliyeed ka damqaday.

 Gargaarkan ayaa waxaa dadkii dhibaateysanaa u qaybiyay xubno uu ka mid ahaa guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar, wuxuuna sheegay in gargaarkan uu yahay mid ay ku caawinayaan dadka
 Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
 
"Jaamacadda Muqdisho waxay garowsatay inaysan ka aamusi karin dhibka ku habsaday ummadda Soomaaliyeed," ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay kala gaabiyeen cudurro iyo
 gaajo isbiirsaday, wuxuuna tusaalooyin u soo qaatay Aayado Qur'aan iyo Axaadiis.
 
 Dadkii gargaarka ka faa'iideystay oo tiradoodu ahayd 500-qoys ayaa  waxay si aad ah u soo dhaweeyeen deeqda ay jaamacadda Muqdisho guddoonsiisay iyagoo xusay in gargaarkan ay aad ugu baahnaayeen.
 
 Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool iyo kuwa gudaha ku sugan inay caawiyaan walaalahooda dhibku ku dhacay, isagoo sheegay in qof walba ay mas'uuliyad ka saaran tahay inuu caawiyo walaalkiisa dhibaateysan.

 "Qofkii la raba ilmihiisa sharaf inay ku noolaadaan - ha sharfo ilama kale ee u baahan kaalmada," ayuu Dr. Cali Sheekh yiri intii ay socotay bixinta gargaarkii ay ku deeqday Jaamacadda Muqdisho barakacayaasha abaaraha.
 
 Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay gargaarkan ayaa waxaa ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden oo uu wakiil ka ahaa Sheekh C/rashiid Maxamed Aadan, jaaliyadda Australia oo uu wakiil ka ahaa Ibraahim Sheekh Bashiir iyo xarumo ay ka mid yihiin Access for support and development center oo London ku taalla, East Africa
 Education and Devemlopment, Somali new generation oo Holland ku taalla iyo qaar ka kale oo fara badan.
 
 Ma ahan markii ugu horreysay oo guddiga gurmadka abaaraha ee Jaamacadda Muqdisho ay gargaar bani'aadamnimo u qaybiyaan barakacayaasha ku sugan Muqdisho, waxaana sidoo kale uu guddoomiyaha jaamacadda iyo wafdi ka socday ay 1,000 qoys gargaar ugu soo qaybiyeen xerooyinka qoxootiga ee Dhadhaab - dalka Kenya iyadoo la kaashatay hay'ado caalami ah.

Cabdinaasir Yuusuf Macalin

cnaasir114@hotmail.com

 

 

webmaster@ceegaag.com