shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Heesaaga Caanbaxay ee Kaynaan Cabdi Warsame oo booqasho maalin galinkeed ah ku tagay magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, Aug 21,  2011 Ceegaag Online)

Fanaanka caanka ah ee Kaynaan Cabdi Warsame ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho, wuxuuna Fanaanku intii uu joogay Muqdisho soo booqday goobo dhowr ah oo uu ka mid yahay Cusbitaalka Banaadir, isaga oo isla galabtana dib ugu dhoofay Magaalada.

Kaynaan ayaa intii uu joogay magaalada u kuuro galay baahida ba'an ee ka jirta caasimada Soomaaliya siiba tan Isbataalada siiba Isbataalkii uu ku dhashay ee Banaadir .

Keynaan ayaa sheegay inuu sameynayo show uu lacag ugu ururinayo shacabka Soomaaliyeed si loogu gargaaro, wuxuuna sheegay in socdaalkiisan uu qayb ka yahay sidii uu xaaladda caruurta Soomaaliyeed u arki lahaa.

Fanaanka ayaa isla galabta ka dhoofay Magaalada Muqdisho, wuxuuna fanaanku balanqaaday inuu dadkaasi jiran uu wax wayn u qaban doono.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com