shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudiga Abaaraha ee jaaliyada reer Boston oo ka digay habacsanaan soo food saartay hawlaha samato-bixinta ee ay ka fulinayeen Gobolada Bakool iyo Shabeelada Hoose.

(Boston, Aug 07,  2011 Ceegaag Online)

Shir albaabadu u xirnaa oo degdeg ah oo gudigu isugu yimaadeen afurka dabadeed shalay ayaa lagu qaadaa dhigay hawlo badan oo abuuray habacsanaan ku timid in si degdeg ah wax looga qabto intii karaankooda ah dhibaatada abaaruhu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana Gobolada Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Ugu horeen waxaa loogu baaqayaa in dadku ka faa’idaystaan Bisha barakaysan ee Ramadaan, oo sadaqada lala soo degdego. Waxaa kale oo hoosta laga xariiqay in dhaqaalaha lasii marin doona hayada samafalka ee HARO, iyada oo gudigu ku tilmaamay dacaayado laga fidinayo haayadan kuwo aan ku salaysneen arimo waaqici ah oo taagan.

Gudiga ayaa jaaliyada u hor baxanyeenaya in loo doortay haayadan in dhaqaalaha lasii marinayo guud ahaan  uu si toos ah u galayo dadka Soomaaliyeed mid mucaawimo  ahaan loo gaarsiiyo iyo mid u khidmeeyaba, maadaama ay haayadu Soomaali tahay dad Soomaaliyana ay gacanta ku hayaan, sidoo kale HARO ka sharciyeesan tahay Maraykanka, awoodna u leedahay inay deeq gaadhsiiso Gobolada Bakool iyo Shabeelada Hoose..

Gudiga ayaa ka codsanaya Jaaliyada qaarkeed oo ka cabanaya in aan wali lagala bixin dhaqaalihii ay ku deeqeen AKOONADOODA inay u samraan  ilaa bisha 15 Aug, 2011. Iyaga oo sabab uga dhigay inay laga maarmaan tahay in sharciga loo hogaan samo gudiguna lashaqeenayaan Gudiyo kala gadisan oo maamulya Masaajidada lacagaha laga uruurinayo.

Ugu danbayn gudigu waxay ka gaabsadeen inay dhaliil dusha uga tuuraan Hayada HARO wakhtigan xaadirka ah, iyaga oo qirtay in hawlaha Samafalku u baahan tahay isu samrid kana gadisan tahay dhaqaalaha badanaa koox ahaan loogu diro Soomaaliya, oo  badanaa  siidii la rabo ay ugu takri falaan dadka lagu hagaajiyo.

Wargalintan waxaa diyaariyay

Eng. Xuseen Fiin

Boston, USA

 

webmaster@ceegaag.com