shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

FADLIGA SOONKA

(Hargeysa, Aug 04,  2011 Ceegaag Online)

Soonku Wuxuu leeyahay fadli iyo xasanaad uu kaga duwan yahay dhamaan cibaadooyinka kale ee waajibka ah, waxaanu ka mid yahay camalada ugu fadliga badan ee la qabto, fadaa’shiisana waxa ka mid ah:

Ilaahay SW wuxuu ku faral yeelay dhamaan umadihii adduunka soo maray, siduu Illaahay inoogu sheegay quraanka kariimka ah Aayada 183 ee suurada Baqarah. Waxaanu yidhi: (Dadka Mu’miniinta ahaw waxa la idinku waajibiyay soonka sidii loogu waajibiyay umadihii idinka horeeyay oo kale). Aayadaasi waxay inoo cadaynaysaa in soonka lagu waajibiyay dhamaan umadihii hore haddii aanu ahayn cibaado fadli badan oo aad u weyn laguma waajibiyeen umadaha oo dhan, halkaana waxa inooga cad inuu soonku yahay cibaado aad u qiimo badan oo ka gaar ah dhamaan cibaadooyinka kale.

Soonku waxa uu sabab u yahay Dambi dhaafka.

Sida Rasuulku CSW inoo sheegay (qofka Sooma Bisha Ramadan isaga oo rumaysan ajarna ku doonaya, waxa laga dhaafaa dambigiisii hore oo dhan.), xadiiskaasna waxa inooga cad in qofka sooma bisha Ramadan isaga oo Ilaahay rumaysan kana raali ah wuxuu ku waajibiyay Illaahay wuu u dambi dhaafay.

Soonka ajarkiisu malaha xisaab, sida uu Rasuulku CSW inoogu sheegay inoogu sheegay xadiis uu ka soo weriyay abaa Hurayra Ilaahay Raali ha ka ahaadee: (Ilaahay waxa uu SW Yidhi, Camal kasta dadku iyagaa iska leh soomka mooyaane, soonka anigaa iska leh, soomku waa gaashaan haddii uu qofku sooman yahayha iska ilaaliyo waxyaabaha xumaanta ah iyo hadalka meel ka dhaca ah haddii uu qof la dagaalamo ama uu caayo ha ku yidhaahdo waan soomanahay.

Illahay baan ku dhaartee, naqaska qofka sooman afkiisa ka soo baxayaa ilaahay agtiisa wuxuu ka udgoon yahay cadarka, qofka soomani waxa uu leeyahay laba goor oo uu farxo markuu af-furayo wuu farxaa, markuu Ilaahay la kulmana wuxuu ku farxaa soonkiisa). Xadiiskaasi wuxuu inoo cadeeyay arrimo ay ka mid yihiin:

Illaahay SW wuxuu gaar uga doortay soomka cibaadooyinka kale oo dhan taasoo cadaynaysa sida uu soonku ilaahay agtiisa ugu weyn yahay sababtoo ah soomku waa sir ka dhaxaysa ilaahay iyo adoonkiisa oo aanay ogaan Karin cid kale, sidaa darteedna Ilaahay agtiisa waxa uu ka leeyahay fadli aad iyo aad u weyn, ilaahaybaana qofka ka abaal marinaya maadaama uu qofku ilaahay dartii uga tagayo cuntadii iyo waxyaabihii kale ee uu jeclaa, waxaana la sheegay in maalinta qiyaamaha markuu Ilaahay adoonkiisa xisaabinayo haddii uu qofkaas lagu lahaa dambiyo iyo dulmi uu gaystay marka ay cibaadooyinka kale badh ka masaxaan soonka Ilaahay inta kale oo dhan buu kaga dhaafaa, sidaasaanu janada ku galaa.

Waxa kale oo uu xadiisku inoo cadeeyay in qofka soomaa leeyahay laba farxadood, ta hore oo ah marka uu af-furayo marka labaadna wuxuu ku farxayaa marka uu Ilaahay la kulmo, sababtoo ah wuxuu ku helayaa abaal marin aanu ku helayn cibaadooyinka kale, sida Nabigu CSW inoo sheegay maalinta qiyaamaha waxa la odhanayaa (Maye dadkii soomanaa, janada waxay ka galayaan albaabka la yidhaa Al-rayaan kaasoo u gaar ah dadka sooma oo kaliya cid kalena aanay ka galayn.

Soonku wuxuu u shafeeco qaadaa dadkii soomi jiray maalinta qiyaamaha sida uu inoogu cadeeyay xadiis rasuulka uu ka soo weriyay cabdilaahi binu camr ilaahay raali ha ka ahaadee rasuulku wuxuu yidhi:( soonka iyo quraanku wey u shafeeco qaadaan adoonka maalinta qiyaamaha. Soonku waxa uu yidhaahdaa Ilaahayow waxaan u diiday cuntadii iyo wixii uu jeclaa ee iga aqbal inaan u shafeeco qaado, quraankuna waxa uu yidhaahdaa waxaan u diiday hurdadii habeenimo ee iga aqbal inaan u shafeeco qaado, sidaasuu ilaahay kaga aqbalaa inay u shafeeco qaadaan).

Xadiiskaas waxa inooga cad in soonka uu u shafaaco qaadyo dadka maalinta qiyaamaha isaga oo ku doodaya inuu u diiday qofka wixii uu jeclaa sida cuntadiisii, waxaanu qofka uga noqonayaa gaashaan naarta sida uu rasuulku inoogu xadiis , waxa uu yidhi: (Soonku waa gaashaan uu adoonku kaga gabbado naarta). Taas oo uu kaga bad-baadinayo, weynaanta uu leeyahay iyo fadligiisa.

Soonku waa cibaadada samirka, dadka samrana wuxuu ilaahay agtiisa ka helayaa ajar aan xisaab lahayn, sida Ilaahay inoogu sheegay quraanka aayada Tobnaad ee Suuratu Zumar, waxa uu ku yidhi: (dadka samra waxa ajarkooda loo siiyaa bilaa xisaab). Halka cibaadooyinka kale uu Ilaahay ka laban-laabo 10 goor, soonka ajarkiisu malaha xisaaab ee Ilaahay agtiisa ayuunbay ku sugan tahay.

Adam C/laahi

Hargeysa

 

webmaster@ceegaag.com