shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Fadlan ka qaybqaado Dhisida Masjid-ka Abubakar Asiddiq (Islamic Center) ee Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio.

(Columbus,OH  Aug 20,  2011 Ceegaag Online)

Asalaamu caleykum wa Raxmatullaah wa Barakatuh

 

Ramadaan Kariim

 

Walaalayaal waxaan idinka codsaneynaa in aad nagu gacan qabataan mashruucan dhismaha Guri Alle ama Masaajid. Sida aad video-gan aad ka arki doonto dhismaha masjidkan waa mid gabogabo ku dhaw. Insha-Allaah Allehii guriga lahaa ayaa dhameystri doono oo gacmaheenna, maalkeena, iyo ducadeena ku dhameystiri doono inta harsan.

 

Fadlan nagala qeyb qaado camalkan kheyrka badan. Sidaad wada ogtihiin, tobanka maalmood ee uugu danbeyso bishaan Ramadaan ee fadliga badan waa maalmaha uugu kheyrka badan oo Alle (sida Nabigeena CSWS noo sheegay) naarta nooga badbaadinayo. Ilaahey (SWT) ha naga yeelo kuwii Alle u naxariisto, u danbi dhaafo, uu naartana ka badbaadiyo.

 

 

 

Jasakum Allaahu khairan

Ahmed O. Hassan

 

Masjid Abubakar Asiddiq Islamic Center
3437 Sullivant Ave Columbus, Oh 43204
Phone: 614-272-9994, 614-432-1803

Email: Masjidabubakar@sbcglobal.net

 

webmaster@ceegaag.com