shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo 300km ugu kala lugeeyay magaalooyinka Calgary iyo Edmonton si ay Lacago ugu uruuriyaan dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu Waxyeeleeyeen.

(Edmonton, Aug 08,  2011 Ceegaag Online)

Maalintii Jimcaha ee bisha August ahayd 5, 2011 ayaa 7 dhallinyaro Soomaaliyeed socdaal lugta ah kaga ambabaxeen magaalada Calgary iyagoo ku sii jeeday magaalada Edmonton.

Socdaalka dhallinyarada ayaa ahaa mid ay lacag ugu ururinayeen dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu waxyeelleeyeen. Dhallinyaradaas ayaa soo gaadhay magaalada Edmonton shalay galabtii abaaraha 5 galabnimo iyadoo halkaas ay si diirran ugu soo dhaweeyeen dadwayne aad u farabadan oo ay hogaaminayeen Wasiirka Shaqada iyo Socdaalka Gobolka Alberta Thomas Lukaszuk iyo hogaamiyayaasha bulshada ee magaaldaasi.

Dhallinyaradaas ayaa ku guulaystay in ay ururiyaan lacag dhan ilaa $20,000 oo Canadian ah iyadoo markii hore yoolkoodu ahaa in ay ururiyaan $10,000. dhallinyaradan ayaa xalay loogu sameeyay casho sharaf xafiiska ururka SCERDO ee magaalada Edmonton iyagoo dhallinyaradaasi isla xalayba ku laabtay magaalada Calgary oo ah meesha ay deganyihiin.

Idaacada Magaalada Edmonton ayaa xafladii kadib wareysi gaaban la yeelatay Gudoomiyaha Guddiga furlinta ee ururka SCERDO Bashir Xaaji Cali (Jamaal).  Dhageyso

Daawo Sawirrada

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com