shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Deeq ka timid gobolka Minnesota ee dalka Mareykanak oo loo qaybiyay barakacayaasha Abaaraha

(Muqdisho, Aug 07,  2011 Ceegaag Online)

Deeq ay soo ururiyeen qaar ka mid ah Soomaalida ku nool gobolka  Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa maanta loo qaybiyay qaar ka mid ah barakacayaasha abaaraha oo ku jira kaam ku yaalla agagaarka garoonka  diyaaradaha ee Muqdisho.  Deeqdan oo ahayd lacag caddaana ayaa waxaa loosoo wakiishay Suhuur Axmed oo ku sugan Hargeysa, taasoo u wakiilatay C/naasir Yuusuf  Macallin inuu gaarsiiyo dadka dhibaateysan ee ku jira xeryaha Muqdisho.

 Barkacayaasha loo qaybiyay lacagta oo gaarayay 60-qoys ayaa waxay isugu jireen haween iyo waayeel, waxaana qoys walba la siiyay 200,000 shilling Somali ah, waxaana dadkan qaarkood ay ka mahadceliyeen deeqda
lasoo gaarsiiyay. "Waan ku faraxsanahay deeqdan lacageed ee la i siiyay. Waxay nasoogaartay innagoo u baahan, cid walba oo soo dhiibtay iyo intii gacanta ka geysatayna ALLE khayr ha ugu bedelo," ayuu yiri Cali Nuur oo ahaa oday 70-jir ah.

C/naasir Yuusuf oo lacagta u qaybiyay qoysaskan ayaa sheegay in sababta ay lacagta ugu qaybiyeen ay tahay si ay ugu iibsadaan wixii ay doonaan maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Deeqdan ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo waliba ay ku soo qulqulayaan Muqdisho barakacayaal ka soo cararaya abaaraha ku dhuftay gobollada Koonfureed ee dalka.

 
Ugu dambeyn, C/naasir Yuusuf, wuxuu sheegay inuu ku soo arkay xeradii uu lacagta ka qaybiyay dad aad u jilicsan oo ay ka muuqatay diif iyo nafaqodarri aad u badan, isagoo ugu baaqay walaalaha Soomaaliyeed inay isgargaaraan meel ay walba oo ay joogaan.
 

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com