shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Aqoonyahan Abdillahi Hassan Dhooble oo tiriyay tix gabay ah oo uu ILAAHAY ugu baryayo Ummada Soomaaliyeed.

(Edmonton Canada, August 01,  2011 Ceegaag Online)

"Allaahu Akbar Eebbow adaan, Axad u baahnayne"

 

 

 

Afeef inaan ka dhawo baan rabaa, ruuxa aan ahaye

Ulajeeddadaydaan rabaa, inaan iftiinshaaye

Afjig baan u dirayaa akhriye, male-awaalkiise

Ma aan ahi abwaan lagu yaqaan, maanso unuggeede

Mana ahi aqoonyahan ma'wiya, aadmi kuunyado e

Mana ahi buxuur Aw, cilmiga ugu majeertaane

Adduunyada in dooraan jiriyo, odayka-sheekeeye

Waxaan ahay miskiin Eebbe raba, inuu ammaanaaye

In yar baan rabaa inaan ka dhaw, shayga uu yahaye

Arji baan u qorayaa dhibbane, ulashadiisiiye

Arrimahan murgaan doonayaa, inaan ergeeyaaye

Iimahayga badan baan rabaa, inaan u muujaaye

Ajar baan rabaa inaan ku heli, aayatiin wacane

Inta kalena waxaan doonayaa, inaan ogaataaye

Istaaqfurulla Eebbow haddaan, erey gef kaa sheego

Adigaan cidina kuu ekeyn, kuna abbaarayne

Astaan gaara adigaan lahayn, uunku shaabaho e

Amarkaaga adigaan cid kale, oolin karahayne

Kax abaara adigaa ka dhiga, meel ugbaad badane

Aafooyin adigaa ku rida, ilo barwaaqaade

Addoonkii ku caasiya adaan, eex ka galehayne

Abtirsiino adigaan lahayn, lagu arooraaye

Uur hooyo adigaan ka iman, aabbe guursadaye

Ayaandaranta adigaa yaqaan, goorta ay tahaye

Allaahu Akbar Eebbow adaan, Axad u baahnayne

 

                    @@@@@@@@@@@@@@@

 

Adigaa anfaca qaybiyoo, siiya aadmiga e

Addin wixii ku adeegtiyo wixii, uurka ku xammaarta

Shimmbir samada aadiyo, kulluun iran biyood jooga

Irsiq waxay cunaan baad taqaan, una astaysaaye

Abqo kulay ku tahay way heshaa, cidiba eefkeede

Allaahu Akbar Eebbow adaan, Axad u baahnayne

 

               @@@@@@@@@@@@@@@

 

Sac irmaana, aalada lo'aad araxdu weynaatay

Igar madiya, abeer geel, ilmaha loo tukubinaayo

Orgi sooca iyo wanan ahmina suuqa laga iibsho

Ashkir faras ah iyo awr hayina, aalad lagu guuro

Uluuf lacag ah, aqal daar ahoo, agabka loo buuxshay

Ilwaad-quruxsan, oorida haween, ayni gabar joogta

Il durdura, tigaado isku baxay, oollin iyo raaxo

Dhul ammaan ah, oo aannay jirin aano iyo duudsi

Askar geyfan, gaashaandhig adag, maammulka ilaasha

Hub olola, diyaarado onkoda, urur madaafiic ah

Ubad iyo walaal iyo adaan ehel u baahnayne

Allaahu Akbar Eebbow adaan, Axad u baahnayne

 

                 @@@@@@@@@@@@@@@

 

Qoraxdii aroortii baxdeen, ka ambanayn dawga

Mugdigaa eryanayee intaa, aashi dabajooga

Dayaxaa allaylkii gudee, ayda miranaaya

Xiddigaha agaasiman cirkee, iinta laga dhawray

Buuraha aloosane, dhidbane, udubka loo taagay

Badda uuradaha kicinaysee, caro la uugaami

Intaasoo layaabaad dhistaa, ama abuurtaaye

Allaahu Akbar Eebbow adaan, Axad u baahnayne

 

                @@@@@@@@@@@@@@@

 

Cunug uur ku jira aayihii, wuxuu ahaanaayo

Ifka intuu ku noolaanayee, ku intifaacaayo

Awlaad intuu dhalahayee, ka iman duudkiisa

Arsaaq wuxuu afkaa gelinayee, looxa ugu yaalla

Ajashiisu meeshay tahuu, ku intihoonaayo

Iblays inuu kaxaystiyo inuu, weli ahaanaayo

Asraarteeda adigaan cid kale, kula ogsoonayne

Allaahu Akbar Eebbow adaan, Axad u baahnayne

 

              @@@@@@@@@@@@@@@

 

Ooddin iyo xanuun iyo adaan, eel ku qabanayne

Arwaax dhimata adigaan lahayn, laguna aasayne

Iilkii adaan lagu dhigayn, agab la'aaneede

jid-siraad adaan lagu eryeyn, edge ciriiryoone

Imtixaan adaan lagu tusayn, maalin aakhiro e

Eed ku qabatay adigaa ku mudan, ololki naareede

Abaalmarinna adigaan ku helin, ficil ixsaaneede

Allaahu Akbar Eebbow adaan, Axad u baahnayne

 

          @@@@@@@@@@@@@@@

 

Adigaa arlaa'iga ka dhigay, guri ardaa weyne

Reer Aadan adigaa xukumay, inay u guuraane

Shaydaanna adigaa aqbalay, inuu ilduufshaaye

Adaa qoray Injiil iyo Furqaan, amase Tawraade

Axkaamtiyo shareecda, adaa faray, adeecoode

Rusushiina adigaa u diray, inay iftiinshaane

Ka irdhooba adigaa ku ridi, naar abaadiya e

Albaabkii jannaad adow ballaqi, kii kiu aaminaye

Allaahu Akbar Eebbow adaan, Axad u baahnayne

 

            @@@@@@@@@@@@@@@

 

Adigaa adduunyada dhisoo, soo abaabulaye

Askunkeeda adigaa leh iyo, udub-dhiggeediiye

Siday tahayna adigaa u galay, oogo iyo hoose

mulkigeeda adigaa leh iyo, agab wixii yaalle

In ayaamo ay jiri naflena, ku intifaacaayo

Suurkii in la afuufayoon, cidina oolaynin

Oo aad burburin jeer cayiman, idil ahaanteedba

Agaraadam ay noqon adaa, sugay ammuurtaase

Allaahu Akbar Eebbow adaan, Axad u baahnayne

 

             @@@@@@@@@@@@@@@

 

Reer Nuuxii Ilaah caasiyee, aayadaha beenshay

Nimankii dhegaha awtayee, Nabiga eedeeyey

Ee yiri akhyaar ma aha iyo, oday karaamaysan

Caadkii Ilaah caasiyee, aayadaha beenshay

Namankii asnaamtay dhaxleen, keli addeecaayey

Awliyo-Alle nimankii ka dhigay, kuman ardaaliin ah

Thamuudkii Ilaah caasiyee, aayadaha beenshay

Idinbacatha diidaye, arlada kula heshiin waayey

Amley xiirta nimankii boqnaha aayar kaga gooyey

Reer Luudii Ilaah caasiyee, aayadaha beenshay

Nimankii anshaxa meel dhigtee, caado ugub keenay

Afadooda nimankii nacee, wiilasha orgeeyey

Fircoonkii Ilaah caasiyee, Eebbenimo sheegtay

Ee yiri anaa webiga Niil, amarka siinaaya

Nimankii unuunyada ka jaray, ubadka reerkooda

Intaasoo jabbaariin ahoo, dunida aafeeyey

Ibtilooyin adigaa ku riday, qolaba aadkeede

Oo aayatiinkood ka dhigay, ehel cadaabeede

Allaahu Akbar Eebbow adaan, Axad u baahnayne

 

                      @@@@@@@@@@@@@@@

 

Aamiinta adigaa aqbala, duco Islaameede

Mid la oofsho Eebbow ka yeel, amarka diintaada

Ilays baxaya Eebbow ka yeel, uumiyuhu raaco

Aayaadka Eebbow u yeel, maqal ajiibaaya

Axaadiista Eebbow u yeel aragti dhuuxaysa

Ingiriiska Eebbow ka goo, wuxuu Islaam yeelay

Amrikaanka Eebbow u diid, amarkutaaglaynta

Orobbada habowsane qalbiga, aabur laga saaray

Asal-raaca nimankaa u qaba belo la ugaanshay

Adyaddooda Eebbow ku u yeel duulal ka adkaada

Yuhuuddaa ilmaha laynaysee, ooriyada dooxi

Ummaddoo dhan nimankaa ku tuman, ab iyo wiillkiisa

Ee yiri anaa door ahoo, aradkan lay uumay

Eebbow ijxaadkiyo, ku jebi, aabigiyo maagga

Muslimiinta Eebbow ka yeel, ul iyo diirkeeda

Israacooda Eebbow ka yeel, midow islaax keena

Uurkooda Eebbow ka mayr, aramidaa jiifta

Amiirkooda Eebbow ka yeel, Culimo loo aayo

Aqoon garata Eebbow u yeel, dabinka loo aassay

Awood burisa Eebbow u yeel anafadii gaalka

Intii dhimatay Eebbow ka yeel ehelu-khayrkaaga

Inta noolna Eebbow ku beer, xaqa udoodkiisa

Allaahu Akbar Eebbow adaan, Axad u baahnayne

 

 

 

Abdillahi Hassan Dhooble

Edmonton, Canada

  

webmaster@ceegaag.com