shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wafdi uu hogaaminayo Amiir Al-Waleed Bin Talal ayaa maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho. 

(Muqdisho, Aug 27,  2011 Ceegaag Online)

Wafdiga Amiir Al Waleed Bin Talal ayaa waxaa kamid ah xaaskiisa, xubno katirsan Boqortooyada Sacuudiya iyo ganacsato, Kadib markii ay soo gaareen Magaalada Muqdisho ayaa waxay kulan kula qaateen Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Wefdigan balaadhan ee uu hogaaminayo Amiir Al Waleed Bin Talal ayey ujeedada booqashadooda tahay sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadka ay abaaraha waxyeeleeyeen, waxeyna booqdeen qaar kamid ah Xeryooyinka Barakacayaasha iyo Cibitaalada Magaalada Muqdisho.

Amiir Al Waleed Bin Talal ayaa isagu ah ganacsade Billionaire ah wuxuuna leeyahay hantii gaadheyso 19.6 Billion oo Doolarka Mareykan ah (US$19.6 billion). Amiirka waa ninka 26-aad ee aduunka ugu hantida badan, waxaana maanta laga sugayaa wax la taaban karo oo uu u qabto Dadka Abaaraha Soomaaliya ay waxyeeleeyeen.

www.ceegaag.com


 

 

webmaster@ceegaag.com