shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xiriirka Kubada Cagta Aduunka (FIFA) oo 1 Million ugu deeqday Abaaraha Soomaaliya.

(Zurich, Aug 11,  2011 Ceegaag Online)

Abaar xun iyo macluul daran oo ka jirta dalkeena hooyo, xiriirka kubada cagta FIFa waxa ay ugu deeqeen hal milyan dollar oo lagu caawiyo dadka tabaaleysan sida FIFA ay ku xaqiijisay website-keeda.

Fifa waxa ay go'aansatay inay 1 Milyan doolar ay ku tabarucdo gaargaarka bani'aadanimo ee
Somalia.
Waxaa lacagtan loo marsiin doonaa hay'ada laanqeyrta cas ee ICRC si ay uga caawiso barnamijyadeeda ay ka wado dalka ay baarta iyo dagaalada aafeeyeen, Sida ay sheegtay FIFA lacagta waxaa loo isticmaali doonaa in lagu quudiyo 25 kun qoys oo abaar xun ay ku heyso Somaaliya.

Qiyaas ahaan, seddex meel lacagtan hal meelood waxaa loo isticmaali doonaa in lagu iibiyo cuno iyo qaabkii cunada loo geyn lahaa somalia, cunadaasoo quudineysa 25 kun qoys ama 150 kun oo qof mudo bil ka badan, labada qeyb ee soo haray waxa ay caawin doontaa howlaha ay ICRC ka wado Somaaliya, Mashruucan Fifa ayaa waxa uu qeyb ka yahay barnaamijyadeeda gargaarka, iyadoo hore u soo caawisay dalalka Japan, Haiti, Pakistan, China PR, Chile iyo wadamadii ay Tsunami aafeysay 2004tii.

Dhinaca kale xulka qaranka Somaliya ayaa la kulmi doona bisha November xulka
Ethiopia ciyaar ka tirsan u soo bixitaanka isreebreebka koobka aduunka.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com