shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Bilowga bisha Soonfur(Shawaal) oo Dhalatay  Soomaaliyana laga afurayo

(Boston, Aug 29,  2011 Ceegaag Online)

War hada naga soo gaadhay Soomaaliya siiba magaalooyinka waawayn ee Muqdisho iyo Hargaysa ayaa sheegaya in laga afurayo oo bishii  soonfureed(Shawaal) dhalatay. Sidoo kale waxaa dad markhaatiyaala lagu dhaariyay Boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyada oo magaalada Nayroobina dadka islaamka ahi siiba Soomaalidu ku dhawaaqday in barito tahay maalin """"""""""""""Ciida""""""""""" Hadaba waxaanu leenahay dhamaan umada Islaamka ah siiba umada Soomaaliyeed ku ciida barwaaqo iyo Guul, midnimo, israac iyo heshiis waara.

Waxaan ugu tahniyadeena naa dhamaan dadka Islaamka ah Ciida Soon fureed oo loo dabaal-dagayo Barito oo ah Talaado, bisha Soonfur(Shawaal 01, 1432H) bisha miilaadiguna ku aadan tahay Aug 30, 2011M.

Xuseen Fiin

Boston

 

webmaster@ceegaag.com