shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xuska Sanadguradii 51aad ee Aasaaskii Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Garoowe.

 

(Garoowe,  April 12,  2011 Ceegaag Online) 

Sanadguradirdii 51aad ee kasoo wareegtay markii la asaasay ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtaya xarunta Taliska guud ee ciidanka Puntland ee 54aad ee ku taal magaalada Garowe, Munaasbdan lagu xusayo asaaskii ciidanka xooga dalka Soomaaaliyeed ayaa, waxaa kasoo qayb galay siihayaha Xilka Madaxweynaha Puntland  ahna Madaxwayne kuxigeenka Puntland Mudane C/samada Cali Shire iyo xubno kamida golaha Wasiirada Puntland.

Munaasabadan lagu xusaayo sanadguuradii 51aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa waxaa halkaasi ay ciidamda puntland  ku sameeyaan gaado ka ciyaar taasoo ay sarkiisha iyo madaxdii kasoo qaybgashay munaasabada  ay aad uga riyaaqeen.

Madaxwayne Kuxigeenka Puntland Gen .Cabdisamada Cali Shire ayaa igoobtaa ka hadlay wuxuuna u mahad baalaaran u soo jeediyay ciidamda Puntland, oo goobtaa safnaa. Wuxuuna uga mahada celiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay shacabkooda ay ilaaliyaan, amniga sugaan, dalkooda nafta u huraan.

Taliyaha ciidamada  Puntland Gen.Saciid Maxamed Xirsi oo khudbad dheer halkaas kasoo jeediyey ayaa ka waramay ciidamda xooga dalka Soomaaliya asaaskoodii iyo waxyaabihii ay qabteen intii ay jireen, Gen.Saciid Dheere ayaa sheegay in ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed la' asasay sanadkii 1960  markay ahayda bisha April 12keedii iyadoo loo asaasay ciidankaa in ay noqdaan cududa ama xooga dalka Soomaaliya, iyadoo ay ciidaanka ay waxyaalo badan ay soo qabteen intii ay jireen.

Taliye Saciid dheere ayaa sidoo kale ka hadlay ciidamada Daraawiishta iyo asaaskoodii iyadoo uu sheegay in ciidamada Daraawiishta la asaasay xiligii Puntland la saasay 1998dii, cutubkii ugu hareeyay  ay ahaayeen  laba kun iyo shan-baqol oo askari, kadibna intaasi laga kordhiyey.

Munaasabadan lagu xusayey Maalinta ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay ruwayado lagu muujinayo ahmiyada ay ciidanka u leeyihiin dhulkood iyo sida ay heegan ugu yihiin in ay dadkooda iyo dalkoodaba ay ilaaliyaan

www.ceegaag.com  

                                                                              

webmaster@ceegaag.com