shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaalada biyo la’aanta Soomaaliya siiba waqooyi Bari oo laga dayrinayo.

 

(Ceegaag, April 25,  2010 Ceegaag Online)

Wararka aan ka helano deegaanada ku xeeran magaalada dhismasa ee Ceegaag ayaa ku soo waramaya in xaalada biyo la’aantu ay haatan gaadhay meeshii ugu xumayd kadib markii ay gudheen baliyadii magaalada Horufadhi iyo ceelka magaalada Yayle.

Sidoo kale magaalooyinka Hawdka ayaa waxaa looga dhaaminayaa magaalada Burco iyada oo ilaa $900 oo dollar loogu dhaaminayo booyadii sodonka fuusta qaada,  deegaanada u dhexeeya Burco iyo Dhagaxbuur gobolka Somali Galbeed.

Magaalooyinka hoos yimaada Buuhoodle ayaa lagu soo waramayaa in dad ugu dhinteen Biyo La’aan siiba laba wiil oo walaalo ah  oo ku nafwaaya haraad awgii deegaanada Hawdka.

Magaalada Widhwidh agagaarkeda ayaa waxaa lagu soo waramayaa in laga daad gureeyay dad reer guuraa ah oo biyo la’aan ba’an lasoo daristay. Abaartan biyo la’aanta ah ayaa noqotay mid aan horay loogu arag taariikhda deegaanadan ilaa 120 sanadood ee tagay inata la xasuusto.

Mar aanu la xidhiidhnay qaar ka tirsan dadwaynaha reer Ceegaag ayay noo sheegeen inay salaado roobdoon ah ay wadeen bilahan danbe walina ay sii wadi doonaan ilaa ay ka helayaan Jaawaabta EEBE.

 www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com