shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waxaa markay taariikhdu ahayd 30/03/2011 ka dhacay Columbus Ohio, kulan ay isugu yimaadeen Dhalinyarada ,Culimaa-u diinka Aqoonyahanka iyo Wax garadka ka soo jeeda gobolka Jubada hoose ee ku dhaqan magaalada Columbus Ohio.


(Columbus, May 04,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa markay taariikhdu ahayd 30/03/2011 ka dhacay Columbus Ohio, kulan ay isugu yimaadeen Dhalinyarada ,Culimaa-u diinka Aqoonyahanka iyo Wax garadka ka soo jeeda gobolka Jubada hoose ee ku dhaqan magaalada Columbus Ohio .
 
 
Kulankan oo ku saabsanaa xogwaraysi iyo falanqayn arimaha ka jira hada deegaankii iyo mustaqbalka jubada hoose ayaa wuxuu ku soo gaba gaboobay habeenimadii sabtida is afgarad.
 
kulankan oo wax la iska waydiiyey sida uu u dayacmay deegaanka ama magaalada kismaanyo horumarkeeda iyo sida ay magaaladu u daashadeen dagaalada sokeeyo taasoo keentay in horumarkii magaalada iyo baahiyaha arimaha bulshadu uu ku yimi dibu dhacwayn.
 
Waxaa kaloo diirada lagu saaray kulankani lagagana wada hadlayey sida qurba joogta laftigeedu aanay ulahayn isku xidhnaan muuqata iyo midnimo lagu xisaabtami karo taasoo lagu dhiiri galinayey in mujtamaca reerkismaanyo ay arintaasi ka gudbaan waxaana halkaasi lagu gorfeeyey talooyinka ugu habboon ee qurba joogta ka soo jeeda gobolka jubada hoose ay ku wada jiri lahaayeen waxna ugu qaban lahaayeen gobolka.
 
Waxaana la isla afgartay in la is ticaamlo istiraatiijiyad cusub oo lagu mideeyo qurba joogta ka soo jeeda gobolka si loo taabo galiyo wadajirka iyo wax wada qabsiga hormarka bulshada ee ku dhaqan deegaankaasi.
 
Qorshaha ugu wayn ee shirkan laga lahaa ayaa wuxuu ku soo ururay in la mideeyo qurba joogta iyo in wax loo qabto gobolka lagana caawiyo tayeynta arimaha waxbarashada,caafimaafka iyo dhamaan baahiyaha hoose ee aasaasiga ah sida ay sheegeen qaban qaabiyayaasha shirka oo aan waxka waydiinay waxa uu shirkani ku saabsan yahay.taasoo sida ay sheegeen la isku afgartay arimahaasi.
 
kulankan ayaa ugu danbayntii lagu doortay Guddi ku meel gaadh ah oo abaabula dadka ka soo jeeda jubbada hoose ee columbus Ohio iyadoo ugu danbayntii ay ugu baaqeen dhamaan dadka soo jeeda jubada hoose ee ku dhaqan qurbuhu inay midoobaan una soo jeensadaan sidii ay u hormarinlahaayeen deegaankooda iyo gobolka.
gudigii ku meel gaadhka ah ee shirka lagu magacaabay.
 
1-Ahmed indho faynuus.
2-Adan salaan.
3-maxamed sheikh xayle.
4-Yaasiin Issa.
5- Abdi xakiin Haji.

 

webmaster@ceegaag.com