shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Somaalinimadii luntay sidee loo soo celiyaa?

 

(Soomaalida,  April 09,  2011 Ceegaag Online)

Wadan kasta waxuu leeyahay wax yaallo muqadas ah lamana taabtaan ah kana dhigan khad cagaaran, waana diin, dhul, calan, iyo midnimo , waana wax yaalaha dadka mideeyo si wada jir ahna uwada ilaaliyaan si aan loogu xad gudbin afartaasi qodob hadii lagu xadgudbana oo eey si wda jir ah u difaacan waayaan waxeey ka dhigantahay in uu burburo wadankaasi waayo waa astaantii iyo muqadasaadkii ayaa meesha ka baxeyso.

Anaga hadeynu somali nahay afartaasi qodoba waan ku xad gudubnay si wada jir ahna in aan u ilaalsano waan kari weynay taasi oo soo dadajisay in aan burburno balse aan ku dhawaano in aan qariirada caalamka ka tirtirano.
A. diintii na mideyneysay oo aan ku faani jirnay somali in eey tahay dal 100% muslin sunni ah in uu yahay maanta caalmku waa nala yaabanyahay anagiina diintii xurmadeedii waan ka tagnay waxaad arkeysaa qof masjid ka soo baxay oo la tooganayo ama qof diintaba laga saarayo si loo baneysto diigiisa cirdigiisa iyo maalkiisaba.
B. calankii na mideynayay waxaan ka dooranay calamo matalayo qabiilo goboleysi, asagiina waan tuurnay waxeynu noqonay dad astaan laheen, oo dano khaas lee ka fikiro

C. dhulkeenii quruxda badnaaay ee dalxiiska ku fiicnaay waxaan ka dooranay buufis dhulal aanba laheen iyo in aan ka iibsano shirkado shisheeyo si eey oogu shubaan sunta haraadiga warshadaha nugyeerka, dhirtiisiina aan xaalufinay.

Qaarna waxeyba ku soo hageen cadoowgiisii soo jireenka ahaay waligiisna damaca ooga jiray in uu qabsado ayagoo ku badashay sharafta dhulkooda hala yar oo lacag ah ama kursi been ah danno shisheeyana lagu fuliyo.
D. midnimadeeniina waxaan ka dooranay qabiil iyo daneysi iyo in loo adeego dalal cadow nagu ah danahoodana la fuliyo dadkii waxey noqdeen dad aan wadaniyiin aheen dantooda iyo tan qabiilkooda ka fikiro taaso oo uu cadowga fursad oogu helay in uu ku shaqeyso qoloba qoloda kale cadow in eey u yihiin u tuso hubna iskugu dhiibay si eey isku laayaan waa tan qabiil kasta hubeeyay siduu qabiilada kale oola dagaalamo, maantana arintu diin markey tagtay xataa ma harin ururo diimeed oo danihiisa u adeego ayuu helay hubkana siiyo sidii uu kuwa kale oo la dagaalami lahaay.

Somalinimadii luntay waxeey ku soo laaban kartaa ama lagu soo celin karaa anagoo ilaalino qodobadaas muqadaska ah ee kor ku soo xusay ( diin, calan, dhul. midnimo ) intaani hadaan isla dhoorno waxaa hubaal ah in eey somalinimadeenii noo soo laabaneyso wadankeenana uu mar labaad lugahiisa isku taagi doono , fursadna uu cadawga u weyni doono uu ku soo dhax gallo dhaxdeena waayo waxaan iska xirnay iridadii uu naga soo gali jiray ee dadka wax magaratada ah run hadeey moodaan uu ku shaqeysan jiray asagoo shacabkiisa ku laaynayo danahiisana ku fushanayo

somaliyeey caalamku waa ku nacay dadna carab ayaa kuugu dhawo diin iyo walaalnimo kula sheegato ayagana maanta ku ma rabaan, waayo waxeey arkeen in aadba dulinimadaan raali ku tahay dowladnimana rabin, qof fadhiyo ayaa la gacan qabtaa laakiin qof jiifo si lagu kiciyo wey adagtahay marka aan oogu yaraan fadhiisano si naloo gacan qabto wax yaalaha muqadaska noo ahna aan ku dadaalo in aan isla difaacno, dalba dadkiisa ayaa hormariyo ama dib u dhigo anagaa somaliya saas ka dhignay waxba yaanan dalal dibada ah la eedeen gacmaheena ayaan qarankeenii ku duduminay , hadana waa in aan gacmaheena ku dhisno dibadna aan waxba ka sugin.

BY : Axmed Bukhaari
E-mail axma2@hotmail.com

 

                 

                                                                                         

webmaster@ceegaag.com