shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkada Isgaadhsiinta ee Somtel oo magaalada Ceegaag ka hir galisay adeega Aalada Internet-ka.

 

(Ceegaag,  April 07,  2011 Ceegaag Online)

Waxa maalinba maalinta ka dambeeysa cirka isku sii shareeraya tartanka ka dhaxeeya Shirkadaha isgaadhsiinta ee ka jira Somaliland, Shirkadahaasi oo midba mida kele isku deyeysa sidii ay u soo jiidan lahayd macaamiisheeda, Isbuucii aynu ka soo gudubnay ayaa shirkada Somtel ee fadhigeedu yahay Magaalada Hagriesa waxaa ay adeega Internet-ka ka hirgalisay magaalada Ceegaag, adeegaasoo baahi badan ay u qabeen dadka ku dhaqan deegaankaasi.

Shirkadda Somtel waa shirkadii ugu horeysay ee adeega Internet-ka ka hir galisay  Magaalada Ceegaag, Sida uu inoo sheegay Madaxa xidhiidhka gobolada ee shirkada Somtel Mr. Aadan Abdullahi.

Madaxa xidhiidhka Gobolada ee shirkada Somtel Aadam Abdullahi oo aanu kula xidhiidhney qadka Telephone-ka ayaanu weydiiney  Waxa ku kalifay in adeegaasi ay gaadhsiiyaan magaalada Ceegaag iyo Nawaaxigeeda ayaa waxa uu ku jawaabay "Walaal markii aanu aragnay baahida loo qabo adeegan, iyo technology -dii oo maalinba maalinta ka dambeeysay sameyneysa horumar qeyrul caadi ah, sidoo kale markii aanu tix galinay codsiyo badan oo inooga yimid macaamiishayada ku dhaqan magaaladaasi Ceegaag, Ayay shirkada Somtel go'aansatay in guud ahaan adeegyada aanu gaadhsiino Magaalada Ceegaag".

Madaxa xidhiidhka Gobolada ee shirkada Somtel  Aadan Abdullahi ayaa sidoo kale noo sheegey in Magaalada Ceegaag aysan gaadhsiin kaliya Aalada  Internet-ka oo qudha hasa yeeshee guud ahaan service-ka Shirkadda  Somtel  laga heli karo Magaalada Ceegaag, sida Mobile GSM, Fixed Wireless Phone, Voice of Internet protocol , adeegyadaasi oo u sahlaya in dadka ku nool Qaaradaha Europe iyo America si bilaash ah ay u soo wici karaan qaraabadooda ku dhaqan magaalada Ceegaag, Mr. Aadan Abdullahi ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in ay jiraan adeegyo kale oo ay ugu talogaleen deegaanadaasi dhawaanna ay soo bandhigi doonaan

Ma ahan markii ugu horeeysay ee Shirkada Somtel adeeg aan horay loogu arag Magaalada Ceegaag ay gaadhsiiso, horaantii bishan aynu ku jirno ayay ahayd markii shirkadaasi ay ka hirgalisay Magaalada Ceegaag adeega loo yaqaano Fixed wireless phone, adeegan oo ah land line aan xadhig ku shaqeeyneynin, kaasoo ay ugu talo galeen in xadhigii magaalooyinka dhex mari jiray looga maarmo.

Dhinaca kale dadweynaha ku dhaqan Magaalada Ceegaag iyo Nawaaxigeeda ayaa si heer sare ah u soo dhoweeyay adeegyadan Shirkadda Somtel ay ka hir galisay magaalada Ceegaag.

www.ceegaag.com

             

                                                                              

webmaster@ceegaag.com